Maamulaha guud ee dugsiyada nuuradiin ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka gashay imtixaanadii Sannadkan. .

0
933

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xaflada aad u balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Maamulka, Macalimiinta,Waalidiinta iyo marti sharaf kale ayaa ka qabsoontay dugsiga Nuuradiin ee Xaafada Boqol iyo Kontanka(150v).xafladan ayaa ahayd mid lagu gudoon siinayay Abaalmarino ardaydii Kaalmaha hore ka gashay imtixaan sannadeedkii ugu danbeeyay.kuwaas oo iskugu jiray Hablo iyo Wiilal,oo ka kooban fasalada kala duwan ee uu dugsigaasi ka kooban yahay.waxaa shahaadooyinka iyo abaal marinaha kale duwan ee la gudoonsiiyay ardaydaasi gacantiisa uga dhiibay Maamulaha guud ee nuuradiin Xaaji Mahad Ibraahin Maxamed isaga oo sheegay dib u dhaca qabsoomida xafladani ay sobobtay Shahaadooyinka oo loo soo sameeyay hab Casriya kana duwan hababkii hore loogu soo Daabici jiray waxa kale oo uu sheegay Maamulaha guud ee dugsiyada nuuradiin Mahad Ibraahin inay qabashada xafladani ugu tallo galeen dhiiri galinta ardayda dhigata dugsiyada nuuradiin si kuwooga aan ku guulaysan ay dadaalkooga U laban laabaan uguna daydaan kuwa abaalmarinaha la gudoon siinayo”waxa aan ugu talo galnay inay dhiiri galin u noqoto ardayda kaalmaha galay si saaxiibadooda kalena ay ugu daydaan,hadii xafladani aad dareemaysaan in xiligeedii lagala dib dhacay waxaa sobobay shahaadooyinka aan ardayda gudoonsiinayno oo aan u soo daabacnay hab aad u casriya wakhtina qaadatay,waxaanan halkan ka yeedhin doonaa magacyada ardayda kaalinta koowaad,labaad saddexaad iyo akhlaaqda ku guulaystay oo aan hortiina ku gudoonsiin doono abaalmarino kale duwan ee hortayda yaala”waxa kale oo isaguna halkaa ka hadlay mid ka mida waalidiinta ay ardaydoodu dhigtaan dugsigaasi waa Wariye Cumar Aw Cali Axmed waxaanu sheegay in dugsiyada Nuuradiin ay yihiin kuwa ugu horeeya xaga Waxbarashada dalka ayna ku guulaysteen imtixaankii shahaadiga ahaa Afar kaalmood oo ka mida waxaanu waalidiinta kula dardaarmay inay ka war hayaan waxbarashada Ardaydooda lana socdaan hadba halka ay ardaydoodu ku sugan yihiin,waxaanu Mahadnaq balaadhan u soo jeediyay Maamulka iyo Macaliiinta tacabka dheeriga ah galisay ardayda”anigoo ku hadlaya afka waalidiinta waxaan halkan ka qirayaa in dugsiyada Nuuradiin ay yihiin kuwa ugu tayada badan dhinaca waxbarashada sidaad ogsoontihiin waxay dugsiyada Nuuradiin ka galeen imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Wasaarada Waxbarashadu ka qaaday ardayda Somaliland inay ka galeen kaalmaha hore Oo afar kaalmood ah taasi waxay muujinaysaa dadaalka dheeriga ah ee macalimiintoodu la garab taagan yihiin ardayda dhigata dugsiyada Nuuradiin waana mid aan uga mahad naqayno Maamulka iyo Macalimiintaba waxaanan Waalidiinta u soo jeedin lahaa inay ka war hayaan waxbarashada ardaydooda lana socdaan hadba halka ay ku sugan yihiin,ugu danbayntiina waxaan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa Maamulaha guud ee Nuuradiin Mahad Ibraahin Maxamed oo aan leeyahay Alle ha kaa abaalmariyo dadaalka Waxbarasho ee aad ardaydaada la garab taagan tahay”.Dugsiyada Nuuradiin ayaa ah kuwo ka soo aasaasmay Halmaqsin Oo Mulkiilaha dugsiyadaasi uu ku dhigi jiray Luuqada Ingiriisiga kuna yaalay Xaafada Sheikh Madar oo hada ah dugsi balaadhan oo Dugsiyada Nuuradiin ka mida.mudooyinkii danbe waxaa horumar aan la qiyaasi Karin ku Socday kor u kaca Waxbarasheed ee dugsiyadani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here