Jaamacadda ADMAS oo ku guulaysatay Derajada koowaad ee Qiimaynta Jaamacadaha gaarka ah ee dalka Itoobiya

0
1533

Addis Ababa, (HargeisaPress) — Jaamacadda ADMAS oo ay xarunteeda guud tahay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, isla markaana qayb labaad (Branch) ku leh magaalada Hargeysa, ayaa ku guulaysatay in loo aqoonsado Jaamacad buuxisay Shuruudaha Jaamacad-nimo ee heer caalami, isla markaana ay ka gudubtay College-nimadii oo hadda magaceeda si rasmi ah looga saaray, laguna beddelay Full University.

Waxaa sidaas lagu sheegay War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Jaamacadda ADMAS oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga sare ee Jaamacaddaas Prof: Axmed Daahir Maxamed (Cadnaan), kaasoo lagu faahfaahiyey heerkan ay Jaamacaddu gaadhay.

Shaahado Sharafta koowaad ee la siiyo Jaamacad
Shaahado Sharafta koowaad ee la siiyo Jaamacad

“Jaamacadda ADMAS oo ay xarunteeda weyni tahay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia oo ku guulaysatay in ay ka mid noqoto Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee loo aqoonsaday ama u gudbay heerka Jaamcadaha buuxa (full University level).

Jaamacadda Admas oo ka mid ah Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee Ethiopia, kana mid ahayd Jaamacadaha ugu waaweyn, ayaa sida uu dhigayo nidaamka ama sharciga qiimeynta iyo magacaabista Jaamacadaha ee Wasaaradda Waxbarashada Itoobiya, ayaa waxay Jaamacaduhu maraan saddex derajo oo mid waliba ay leedahay Shuruudo iyo Sharciyo u gaar ah sida: College, University College iyo full University.

Sidaa darteed, iyada oo immika ka hor ay Derajada ugu sarraysa ama heerka Jaamacad buuxda loo aqoonsanaa laba Jaamacadood oo kala ah Unity University iyo ST. Marry University, ayaa waxaa dhawaan saddexaysay Jaamcadda Admas University College oo dhawaan loo aqoonsaday fasax buuxana loo siiyey full University.

Waxaa xusid mudan in ay Jaamacadda Admas kaalinta kowaad ka gashay qiimeyntii lagu sameeyay tayada waxbarashada ee Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee dalka Ethiopia, sannadkii 2012/13, taas oo ay ku mutaysatay shaahado Sharafta koowaad ee la siiyo Jaamacad gaar loo leeyahay, taasoo guul iyo horumar u ah Jaamacadda Admas iyo guud ahaan Maamulkeeda, Macallimiinteeda iyo sidoo kale Ardayda wax ka barata iyo kuwa wax ka bartay-ba.”

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here