“Lama joogo xilli muddaharaad lagu baaqo”…Cukuse

0
679

Hargaysa (HP): Wasiirkii hore ee wasaaradda xannaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),  ayaa sheegay in aanay jirin sabab uu guddoomiyaha Waddani ugu baaqo in mudaharaad la sameeyo.

Maadaama oo xukuumadu ay xilka haysay muddo laba sanadood ah, isla markaana aan lagu jirin wakhti doorasho iyo dhibaato kale oo dadka shacabka ah loogu baaqo in ay mudaharaadaan.

Cabdilaahi Cukuse, oo maanta  warbaahinta kula hadlay Hargaysa ayaa intaa ku daray in aan loo baahnayn in dalka laga sameeyo mudaharaad dad ku dhintaan oo khal-khal geliya ammaanka dalka dadka-na dhibaato ka soo gaadho.

Waxaanu yidhi,  “Guddoomiyaha xisbiga mucaaradaka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, xaaladda uu ka hadlayo waa in uu si fiican uga hadlo. Sabab cad oo muuqata, oo wax weyn oo inagu dhacay oo muuqata, oo masiibo ah oo u gaar ah mujtamaca degaan gaar ah deggan u muduharaada loo yidhaahdo, anigu ma arkayo.

Wax laga mudaharaado oo caynkaas ah, oo maqadiir ah oo innagu dhacday ma jirto. Waana in xasiloonida guddoomiyaha Waddani ku shaqeeyo, waa waxaan halkan ku soo gaadhnay.

Maanta xilliyo olole ma joogno, xili doorasho ma joogno, xilli la isku qab-qabsado kursi ma joogno, waxa aynu joognaa dawlad laba sanno jirta oo saddex sanndood u hadhsan yihiin”.

Geesta kale Cabdilahi Cukuse, waxa uu sheegay in xisbiyadda mucaaradka ah ee doorashadii madaxtooyadda lagaga guulaystay looga baahan yahay in ay dib isku soo dhisaan.

Sidaas darteedna mudaharaadka uu ku dhawaaqay guddoomiyaha xisbiga Waddani aanu sheegin sabab cad oo ku riixaysa in mudaharaad la isugu soo baxo.

“Xisbiyadda mucaaradka ee doorashooyinkii lagaga guulaystay, waxa weeye wakhtigii ay dib isku soo kabi la haayeen, ee ay isa soo dhisi la haayeen.

Xukuumaddu-na ay horumar qaban lahayd.Laakiin, hadduu ku dhawaaqay muddaharaad guddoomiyaha xisbiga Waddani umalayn maayo in uu sheegay wax cad oo qofka bini’aadamka ah ku riixi kara in uu mudaharaado.

Waana mid dadka ka yimaada mudaharaadku, culays ama masiibo dhacday oo laga mudaharaado aniga iima muuqato.

Dad hore ayaana innagaga dhintay mudaharaadka maanta qaar kale oo inaga dhinta uma baahnin”ayuu yidhi C/laahi Cukuse.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here