DEG DEG: Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani oo Hada Xabsiga Loo Taxaabay

0
755

Hargeisa (Hargeisa Press)– Ciidamada Bileyska Somaliland ayaa caawa xidhay Afhayeenkii Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghayaha xisbigaasi Khadar Xuseen Cabdi, Sida ay Shabakada Hargeisa Press u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani.

Xadhiga Afhayeenka Xisbiga Waddani iyo Xoghayaha Xisbigaasi ayaa yimid  waxyar uun ka dib markii Afhayeenka Xisbiga Waddani uu Jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland.

Barkhad Jaamac Batuun, Afhayeenka Xisbiga Waddani oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aanay waxba iska badalin dibadbixii gudoomiyaha xisbigoodu uu ku dhawaaqay in maalinta barito ah la isugu soo baxo.

Ma jirto ilaa iyo hadda warar faahfaahsan oo ka soo baxaya xadhiga masuuliyiintan xisbiga Waddani oo ka hadashay xadhigooda.

Wixii Warara ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa….

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here