Iska Hor Imaad Dhexmaray Taageereyaasha Xisbiga Waddani iyo Booliska

0
530

Hargaysa (HP): Boqolaal ka mida taageereyaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa saaka xoog ku galay xarunta xisbigaasi ee magaaladda Hargaysa oo xalay ciidamo boolisa la dul dhigay.

Mudaharaadeyaasha oo uu hor kacayay guddoomiyha xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro, ayaa isku deyay in ay xoog ku tagaan xarunta, hase yeeshee ciidamadda booliska oo isku deyay in ka joojyaan u taag waayay.

Hal askari ayaa la sheegay in uu iska hor imaadkaasi maanta ku dhaawacmay kaasoo uu rasaas ku toogtay askari kaloo la sheegay in uu ka mid ahaa ilaalidda guddoomiyaha Waddani.

Guddoomiyaha Waddani oo xarunta xisbigiisa kula hadlay taageereyaashiisa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidamo ay xarunta qabsadeen, isla markaana ay si nabad ah ku rideen inkastoo ciidamadu ay rasaas fara badan ku ridayeen taageereyaashiisa.

Waxaanu ku baaqay in berito isu soo bax kale ay taageereyaashiisu ka sameeyaan goboladda dalkoo dhan iyo caasimadda Hargaysa.

Halkan Ka Daawo Mudaharaadkii Taageereyaasha Waddani iyo Hadalkii C/raxaam Cirro:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here