KULMIYE Galay KULMIYE: Qalinkii Muniir Axmed Cigaal

0
884

Amarka illahay Xisbigii WADDANI intii Isbahaysiga KULMIYE ku biireen, horta marka dhinaceena dhulka la dhigaayo aynu u tudhno Xisbigii WADDANI ruux hor leh iyo nashaad ayaa gashay, waxaanu kas baday tageerayaal ku kala nool degaano kala duwan oo aanu hore Xisbigu u haysan. Waxaase xusid mudan Wasiiro kooban oo Xukuumadda ka tirsan oo yara foorjaysan ayaa hurdo la’aan awgeed aanay waa halkii Islamaheene bar-dhiig ahi ku duulin tan iyo mudadaas. Waxa kaga sii daran Xubno kamid ah Wasiiradaas shacbigii degaanadooda ayaaba Xisbiga WADDANI u waydaartay.

 

Arrinta xiiisaha gaarka leh ayaa haddaba ah, mid kamid ah Wasiiradaas, ayaa degaankiisi ku biireen Xisbiga WADDANI, kadibna xubno ay Golaha Wasiirada ku wada jiraan ayaa waydiiyay su’aal weedheedu noqonaysay. “Waar hebel rerkii maxaa ku dhacay ma Isbahaysigii KULMIYE ayay raceen.”? Wuxuu ugu jawaabay sida igu maqaalo ah.

 

“Dhib maleh qolyaha Hargaysa jooga ee wali Xisbiga KULMIYE ka tirsan ayaan xaflad u qaban doona oo warkaas aan ku masixi doona”… Waaba Cajabay Cajiibay KULMIYE galay KULMIYE,  si war kale loogu masaxo. KKKKkK.

 

Muniir Axmed Cigaal.

Hargaysa/ Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here