Kulan muhiim ah ay wada yeesheen Labada Xisbiga Qaran ee KULMIYE iyo UCID + SAWIRRO

0
193

Hargeysa,(HargeisaPress)–Maanta waxaa kulan muhiim ah oo qado sharaf ah ku wada yeeshay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, labada Xisbiga Qaranka ee KULMIYE iyo UCID, kulankan waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Xuseen.

Kulankan labada Gudoomiye waxaa ku wehelinayey Masuulinta labada Xisbiga, waxaana mid ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Koobaad ee Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiye Kuxigeenka Saddexaad ee Xisbiga KULMIYE, Ahna Wasiirka Horuumarinta Biyaha Salebaan Yuusuf Cali Koore, Gudoomiye Kuxigeenka Afraad ee Xisbiga KULMIYE, ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Xoghaya Guud ee Xisbiga KULMIYE, Faysal Cabdiraxmaan, Siyaasi Cabdikariim Xinif iyo Masuulin kale.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID, waxaa kulanka ku wehelinayey Gudoomiye Kuxigeenka kobaad ee Xisbiga UCID, Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax, Afheenka Xisbiga Ucid iyo Masuulin kale oo ka mid ah Xisbiga UCID.

Kulankan oo ahaa is xogwaraysi ayaa ku soo dhamaaday jawi qurux badan iyo faham.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here