Kulan Lagu Falan-qaynayay Xeerka Saxaafadda Somaliland Oo La Soo Gebagabeeyay

0
1520

Hargaysa (Hargeisa Press): Kulan ku saabsanaa falan-qaynta xeerka saxaafadda Somaliland oo muddo laba maalmood ah ka socday magaaladda Hargaysa ayaa maanta la soo gebagabeeyay.
Waxaana kulankaasi socday ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta, agaasimeyaasha iyo guddoomiyeyaasha xarumaha warbaahinta madaxa banaan iyo ta dawliga ah.


Sidoo kale waxaa kulankaasi ka qayb qaadanayay hogaanka ururka suxufiyiinta ee SOLJA iyo daneeyeyaasha saxaafadda.
Kulankaasi oo maanta la soo gebagabeeyay waxaa soo xidhay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland C/naasir Cumar Jaamac.

Daawo: Hadaladii Masuuliyiinta Ee Xidhitaanka Kulankaasi:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here