Xisbiga Waddani oo Ugu Baaqay Xukumada Inay Cadayso Heshiiska Ay La Gashay Shirkada Trafigura

0
2607
Hargeisa (Hargeisa Press) –Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa si adag u dhaliilay Heshiiskii ay Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkada Trafficgura.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani waxa uu si faahfaahsan uga hadlay taariikho madow oo sida uu sheegay Kombanigani leeyahay Waxaanu xusay in Shirkadda Traffic Gura ay Maxkamadi ku heshay danbiyo ay ka mid yihiin inay sunta mamnuuca ah ku aaseen waddan ku yaal qaaradda Africa si ay lacag uga sameeyaan.

Waxaa kale oo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani uu xusay in Hay’adda Amnesty International ay Kombanigan ka qortay warbixin ka kooban 232 Bog isagoo sheegay in Warbixintan ay ku jirto in shirkadani ay ka faa’iidaysato dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo iyo dhamaystir la’aanta shuruucda waddamada saboolka ah, isagoo intaas ku daray in Warbixinta Amnesty ay cadaynayso in Shirkadani ay caan ku tahay Musuq maasuq iyo wixii la hal maala.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen Cabdi waxa uu xukuumadda somaliland u soo jeediyey inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiso heshiiska ay shirkadda Traffic Gura la gashay isla markaana ay culayska ka qaado shirkadaha waddaniga ah ee dalka shiidaalka keena, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in Wasiirka ganacsigu aanu si cad uga hadlin heshiiska ay dawladu la gashay Kombanigaas iyo haamaha shiidaal ee ay inoo dhisayaan, Isagoo intaas raaciyey inuu Madmadow badani ku gadaaman yahay heshiiska lala galay shirkadan.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani waxa uu Xukuumadda Somaliland u soo jeediyey inay aragti dheer ka yeelato arrimaha saamaynta ku leh nolosha dadka iyo dalkaba waxaanu intaas ku daray inay Xisbi ahaan diyaarinayaan Sidii ay golaha baarlamaanka ugu gudbin lahaayeen dacwad ka dhan ah Shirkadda Traffic Gura hadii aanay dawladdu si cad u soo bandhigin ayuu yidhi heshiiska ay Kombanigaas la gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here