Hay’adda Shaqaalaha oo Kulan U Qabatay Waaxyaha Cududda Shaqaalaha Ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda

0
1754

Hargeisa (Hargeisa Press) – Hay’adda shaqaalaha dowladda ayaa tababbar u furtay waax-yaha cududda shaqaalaha ee wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda.

Tababaarkaasi oo ku saabsanaa dabogalka qorshaha maamulka, isbedelka, fududaynta, hirgelinta, dib u habaynta iyo casriyaynta wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda.

Shirkaas dabagalka oo socon doona muddo laba maalmood ah waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dowladda, Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka, Madaxa mashruuca World Baanka, masuuliyiinta iyo agaasime waaxeedyada Hay’adda shaqaalaha.

Madaxa mashruuca World Baanka Cabdi Aadan oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay kulankaas iyo doorka ay ku leeyihiin dib u habaynta hirgelinta habraacyada sharci ee shaqaalaha dawladda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye, oo halkaas ka ahdlay ayaa u mahad naqay Hay’adda shaqaalaha dawladda, isaga oo sheegay in ay ka wasaarad ahaan dabiqi doonaan dib u habaynta iyo habraacayada sharci ee hay’adda shaqaalaha dawladu waddo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in arintaasi muhiimad gooniya u leedahay waax-yaha Shaqaalaha ee wasaaradaha iyo Hay’adda Dawladda kaalin mug lehna ay kaga jiraan shaqada iyo in la saxo oo ay sugnaato xogta dadka shaqaalaha ah si loo sugo xuquuqaha shaqaalaha la siinayo.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Faraxaan Aadan Haybe, waxaa kale oo uu sheegay in iyaga oo kaashanaaya Machadka tababbarka shaqaalaha dawladda ay dhawaan samayn doonaan qiimayn ku saabsan sidii shaqaalaha dawladdu u helilahaayeen kaalmo caafimaad, isla markaana ay shir ugu yeedhi doonaan goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dawladda.

Gabogabadii guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in ay dhawaan ku   abaalmarin doonaan wasaarad kasta iyo Hay’adda kasta oo dabaqday shaqo wanaagga iyo siyaasadda habraacyada sharci ee shaqaalaha lagu maamulayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here