Kulan Lagaga Arrinsanayey Sida Ugu Habboon Ee Looga Hawlgelayo Diwaangelinta Codbixiyeyaasha Ee Gobolada Bariga Somaliland Ayaa Ka Qabsoomay Qasriga Madaxtooyada + SAWIRRO

0
896

HARGEISA , (HargeisaPress) — Kulan balaadhan oo lagaga arrinsanayey sida ugu habboon ee looga hawlgelayo diwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada bariga Somaliland, ayaa ku qabsoomay maanta qasriga Madaxtooyada Somaliland.

eac530f3-803d-4efd-9c22-d3c3c17777ff

Kulankan oo uu gidoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha xisbiga ucid, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye, Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Xisbiga Waddani, taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, xubno ka mida golaha wasiirada iyo masuuliyiin ka tirsan Asxaabta qaranka iyo badiba xubnaha komishanka doorashooyinka Qaranka.

2da1d2ee-bdce-4a7b-bd78-9fc8764093e0

Iyadoo lagu xisaabtamayo waayo aragnimadii laga helay gobolada ay ilaa hadda ka soo qabsoontay diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo gobolka maroodi-jeex oo ah gobolka ugu tirada badan gobolada oo dhawaan la gudogelayo diwaangelinta codbixiyeyaashiisa, ayaa la isku raacay in xooga la saaro, loona guuro hawsha diwaangelinta gobolada bariga dalka.

2eb05527-8907-4146-85c0-b6e6690cbb42

Warbixinaha la soo jeediyey waxa ka mid ahaa in dadka gobolada bariga ku nooli ay diyaar u yihiin isdiwaangelinta codbixiyeyaasha, dib danbaysana aanay u aqbalidoonin xildhibaan ku yimid isxambaar, oo dadka uu metelayaa aanay soo dooran.

6bb84dba-31b5-4a17-93a4-fc798e7f5d2f

Waxa kale oo ka mid ahaa waxyaabihii la isla qaatay in la xoojiyo maamulka dawladnimo, oo maalinba maalinta ka danbaysa ku sii fidaya deegaamadaasi, muwaadiniinta goboladaasina ay u heellan yihiin, wax la qabashada dawladda.

ad83da55-1e85-43ca-b84d-17a918cf2096

Geesta kale waxa la gudoonsaday in wacyigelin horleh oo balaadhan kuna waajahan diwaangelinta codbixiyeyaasha loo-lahaado deegaamada bariga Somaliland, lana hawlgeliyo ardayda jaamacadaha Nugaal iyo Sanaag, NGO-yada deegaanka, Madax-dhaqameedka, Duqayda iyo waxgaradka deegaamada laga hawlgelayo, sidii gobolada hore ee diwaangelintu ka qabsoontay ahaayeena, dhamaan gaadiidka loo isticmaalayo hawlahaasi ay ahaadaan mid ay leeyihiin dadka deegaanadaa diwaangelintu ka bilaabmayso.

47efbfcd-087d-4a4c-8800-28a526e915f9

Dhinacooda xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka waxay sheegeen, inay si buuxda diyaar ugu yihiin ka hawlgalka isdiwaangelinta codbixiyeyaasha e deegaamada bariga Somaliland, sida ugu dhakhsaha badana ay uga hawlgelidoonaan.

f35e4bc0-daa8-4633-8aad-b2896639b101

Madaxweynaha oo soo gebegabeeyey kulankaas ayaa bogaadiyey sida ay ilaa hada u socoto hawsha diwaangelinta codbixiyeyaashu, waxa klae oo uu ku dardaaray in la-laba jibaaro lana dedaalo hawsha isdiwaangelinta codbixiyeyaasha, taas oo uu ku tilmaamay mid masiiriya oo aayaha ummaddu ku fadhiyo.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here