Kulan La Doonayay In La Isugu Soo Hor Fadhiisiyo Madaxweyne Biixi iyo Maxamuud Xaashi oo Fashilmay iyo Qorshe Uu Dabada Ka Riixayay Baashe Cawil oo Meesha Ka Baxay

0
2766

Hargeisa (Hargeisa Press)- Kulan La Filayay in ay Habeennimadii Xalay ahayd la doonayay in la isku soo hor fadhiisiyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada ee xukuumadii Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa gabi ahaanba fashilmay.

Kulankan la doonayay in la isugu soo hor fadhiisiyo Madaxweyne Biixi iyo Maxamuud Xaashi ayaa la sheegay in uu dabada ka riixayay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Sidoo kale, Ambsador Baashe Cawil iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi oo kulan qado ah oo ay isugu yimaadeen Siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, Wasiirradii hore ee xukuumaddii Siilaanyo iyo wax-garad kale ayay labada masuul kulan gooni fooda isku dareen.

Baashe Cawil ayaa Maxamuud Xaashi ka dalbaday in uu isu keeno isaga iyo  Madaxweynaha, isagoona cadaadis ku saaray sidii uu dib ugu dhigi lahaa hankiisa siyaasadeed ee Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE, wakhtiganna uu Madaxweynaha ku garab galo sidii uu Madaxweynuhu ugu sii fadhiyi lahaa kursiga.

Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa la sheegay in uu Ambasador Baashe ka diiday Arrintaasi uu u soo bandhigay.

Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa u sheegay Ambassador Baashe Cawil in aanay isaga iyo Madaxweynaha wax dhibaato ahi dhex oollin balse kaliya uu ku taamayo sidii uu hankiisa siyaasiga ah xisbiga uu wax ka aasaasay uga dhex tartami lahaa, oo Madaxweynuhuna u fulin lahaa ballan qaadyadii iyo heshiisyadii u dhaxeeyey Xisbiga oo ahaa in sidii Axmed Siilaanyo uu Muuse Biixi kursiga banneeyo.

Dhinaca kale, ilo wareedyo xogogaal ah  ayaa sheegaya in kulankii qadada ahaa ee shalay uu soo abaabulay Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil ay xukuumaddu ka war qabtay qabanqaabadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here