Kulan Dhexmaray Madaxda Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Maroodi-jeex

0
767

Hargeysa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), ayaa maanta kulan ballaadhan la qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka gobolka u qaabilsan xisbiga iyo xubno ka mid ah guddiga fulinta ee gobolka.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa, ayaa ujeedkiisu daaranaa dardargelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 28-ka bishan aynu ku jirno.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagaga arrinsaday sidii madaxda xisbiga u qaabilsan gobolka Maroodijeex iyo degmooyinka hoos yimaaddaa taageerayaasha xisbiga ee gobolka ugu wacyigelin lahaayeen diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac Hadhiye, ayaa waxaa uu ku adkeeyay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ee gobolka iyo Xubnaha Guddiga fulinta ee xisbiga, inay kaalin muuqata ka qaataan hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha lagu dardargelinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here