Wasiirro ka mid Noqday 175 Sarkaal oo lagu Eedeeyay Musuq-maasuqa ugu badan ee Dalka Kenya

0
1114

Nairobi Kenya, (HargeisaPress) — Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo shalay Khudbada Qaran ka horjeediyay Baarlamaanka Kenya, ayaa sheegay in Saraakiil sare oo ka tirsan dowlada dhexe iyo waliba dowlada Gobaleedyada Kenya ay ku eedeysan yihiin ku lug lahaanshaha wax isdaba marin ama Musuq-maasuq.

ken3

Masuuliyiintaas, ayaa magacyadooda horay loogu xusay warbixin qarsoodi aheyd oo lagu wareejiyay Afhayeenka Baarlamaanka Kenya – Justin Muturi. Sidoo kale Gudiga Anshaxa iyo la-dagaallanka Musuq-maasuqa Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo EACC (Ethics and Anti-Corruption Commission), ayaa iguna horay eedeyn ugu soo jeediyay Masuuliyiintaas qaarkood.

175-ta xubnood ee musuq-maasuqa lagu eedeyay, ayaa waxey ka kala tirsan yihiin laamaha kala duwan ee dowlada Kenya, gaar ahaan Golaha Wasiirada, Xoghayayaal, Taliyayaal, Guddoomiyayaal Gobal iyo waliba Senatoro. Waxaana loo haystaa eedeymo la xiriiro hanti dadweyne oo la lunsaday.

201532763563034678858052011065945_1036527863042433_1676226128932958558_n

Sidoo kale liiska dadka ku eedeysan Musuq-maasuqa, ayaa Madaxweyne Uhuru wuxuu shalay ku wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Kenya,wuxuuna sheegay inuu ka helay Madaxa Maamulka Sare ee Guddiga EACC Mr.Halakhe Waqo oo Guddiggisu uu soo diyaariyay liiskaas oo ay ka doodi doonaan Baarlamaanka Kenya.

Liiska ayaa sidoo kale waxaa ku jiro shan Wasiir oo kala ah ;- Michael Kamau oo ah Wasiirrada Gaadiidka iyo Kaabayaasha. Davies Chirchir – Wasiirka Tamarta iyo Batroolka. Charity Ngilu – Wasiirka Dhulka, Guriyeeynta iyo Horumarinta Magaalooyinka. Kazungu Kambi, Wasiirka Shaqada iyo Adeegyada Bulshada. Felix Koskei – Wasiirka Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, dhamaantoodna waxaa lagu eedeyay iney ku lug leeyihiin lunsasho qarashaad ka soo baxay qandaraasyo wasaarahadoodu ay fuliyeen.

Sidoo kale 26 xubnood oo ka tirsan Guddiga Xisaabaadka Bulshada ee Baarlamaanka Kenya iyo Guddoomiyayaal degmooyin oo uu ka mid yahay, Guddoomiyaha Golaha Guddoomiye Goboleedyada ahna Governor-ka deegaanka Bomet, Isaac Ruto. Guddoomiyaha Nairobi Evans Kidero. Guddoomiyaha magaalada Mombasa Hassan Ali Joho. Guddoomiyaha magaalada Machakos Alfred Mutua iyo waliba Guddoomiyaha Magaalada Gaarissa Nadiif Jaamac, ayaa iyagana lagu eedeyay iney ku lug leeyihiin wax isdaba marin.

Dadka la eedeyay waxaa sidoo kale ka mid ah xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka iyo Hanti dhowrayaal. Waxaana loo soo jeediyay iney xilalka iska casilaan isla markaasna ay ka war-sugaan baaritaano la xiriiro eedeyntooda oo Madaxweynaha Kenya uu shalay amray in mudo 60 cisho ah lagu soo gaba-gabeeyo.

Dhanka kale Guddiga Runta, Cadaalada iyo dib-u-heeshiisiinta Kenya ee magaciisa loo soo gaabiyo (TJRC) (Truth, Justice and Reconciliation Commission), ayaa iyagana dhawaan soo saaray warbixino ku saabsan dhibaatooyin ka dhacay qaar kamid ah gobalada Kenya oo uu ku jiro Gobalka Waqooyi bari Kenya, waxaana raalli galin ka bixiyay sidey wax u dhaceen madaxweynaha Kenya oo sheegay in la sixi doono qaladaad iyo tacadiyo ay la kulmeen dadka ku dhaqan gobalkaas.

Si kastaba ah ahaatee dadka Kenyanka ah oo iyaguna arragtiyo kala duwan ka dhiibtay khudbada madaxweynaha, ayaa qaarkood waxey ku tilmaameen eedeynta loo soo jeediyay mudanayaashaas iney wax ka badali karto musuq-maasuqa hareeyay hay’adaha dowlada Kenya.

Dalka Kenya waxaa horay uga dhacay fadeexado ay ka mid ahaayeen Goldenberg, Grand Regency & Nancy Baraza, Anglo-Leasing iyo feedaxdii Digaaga ama Chickengate Scandal.

Sidoo kale, Madaxweynaha Kenya, ayaa wuxuu oga hadlay khudbadisii shalay dagaalada ay dowladiisu kula jirto Ururka Al Shabaab ee Somalia ka dagaalo, wuxuuna sheegay in Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl-galka Midowga Africa ee Somalia (AMISOM) ay guulo ka gaareen dagaaladii ay la galeen xoogaga shabaabka oo uu sheegay iney hanjabaad ku hayaan Kenya, isla markaasna ay dhibaatooyin ka geysteen xuduuda ay Kenya la wadaagto Somalia iyo waliba gudaha dalkiisa.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Kenyatta, wuxuu ku sheegay khudbadisii qaran, waxqabadka dowladiisa iyo ballan-qaadyo uu sameyay markii uu xilka ku guuleystay iyo waliba heeshiisyo ay dhawaan dowladiisa la gashay wadanka Japan oo uu sheegay iney bilaaban doonaan bisha April ee fooda inagu soo hayso.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

fikirkaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here