Joe Biden oo Saxeexay Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka

0
6916

Washington (Hargeisa Press) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah qalinka ugu duugay xeerka miisaaniyadda NDAA ee ciidamada Mareykanka ee sanadka 2023.

Xeerkan, ayaa waxaa ku jira qodob u horseedaya in dowladda Mareykanka gaar ahaan labadeeda wasaaradood ee Difaaca iyo Arrimaha Dibaddu ay Somaliland kala yeeshaan iskaashi khuseeya arrimaha Milateriga iyo diblomaasiyadaba.

Qodobkan sharci, ayaa waxa uu farayaa wasaaradaha Kaarajiga iyo Difaaca ee Mareykanka iyo hay’adda u qaabilsan gargaarka ee USAID inay Congress-ka u soo gudbiyaan warbixin sanadle ah oo ay ku faahfaahinayaan kaalmada iyo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo amni ee ay la yeeshaan Somaliland.

Waxana xeerkan uu qalinka ku duugay Madaxweynaha Mareykanku si cad u qeexayaa in Somaliland aanay ka mid ahayn dowlad goboleedyada federaalka ee Soomaaliya.

Xeerkan, ayaa meesha ka saaraya caqabadihi dhinaca sharciga ee hortaagnaa in wax xidhiidh ahi dhexmaro waaxaha Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Mareykanka iyo Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu fududaynaya in dowladda Mareykanka iyo Somaliland ay dhinacyo kala duwan wada shaqeyn ka yeeshaan oo tusaale ahaan wuxu xeerku farayaa wasaaradaha Khaarajiga iyo Difaaca ee Mareykanka inay Congress-ka u soo gudbiyaan ugu dambayn bisha June 2023 daraasad ku saabsan fursadaha jira ee kor loogu qaadi karo iskaashiga amni ee u dhexeeya Mareykanka iyo Somaliland.

Xeerkan uu saxeexay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa waxa uu oqonayaa xeerkii ugu horeeyay ee Somaliland lagu daro ee sharciga Mareykanka tan iyo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madax banaanideeda 1991-kii.

Si kastaba, Ansixinta xeerkan, ayaa ah talaabo taariikhi ah, taasi oo horseedi doonta in Somaliland iyo dalka Mareykanku ay iska kaashaddaan arrimo badan, isla-markaana Somaliland ay Dowladda Mareykanka si toos ulaWashingtono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here