Jaaliyadda Soomaalida Ee Mareykanka oo Dhaqaale U Uruurinaya Suuqa Waaheen

0
1508

Washington (Hargeisa Press) – Jaalliyadaha Soomaalida ee dalka Mareykanka, ayaa isu urursanaya sidii ay dhaqaale ugu ururin lahaayeen dadkii ku hanti belay dabkii baabiiyay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Soomaalida Mareykanka, ayaa waxaa ay dhinac iska dhigeen khilaafaadkii siyaasadeed ee ka dhex jiray iyaga oo u jihaystay sidii ay gacmaha isku qabsan lahaayeen oo ay uga jawaabi lahaayeen masiibadii suuqa Waaheen ka dhacday.

Geesta kale, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota Keith Ellison iyo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, ayaa labaduba isku raacay in ay ka qeybgalaan gurmadka dhaqaalaha loogu uruurinayo dadkii hantidooda ku waayay dabkii suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Soomaalida Mareykanka iyo qurbaha kale, ayaa cadaadis badan lagu saarayaa sidii loogu wacyigelin lahaa dabka ka kacay suuqa Waaheen, lagana qaado dhaqaale loo uruurinayo dadkii waxyeelada ugu badan ka soo gaadhay.

Iimaamyada Masaajidada Mareykanka, ayaa deeq ka dalbay masaajidada iyo ganacsatada deegaankaasi oo furay bog ay gurmad ugu dirayaan qaadhaanka lagu taakulaynayo dadkii hantidooda ku waayay suuqa Waaheen.

Sidoo kale, Jaaliyadda Soomaalida ee Minneapolis, ayaa isugu yimid kulan wacyigelin iyo olole dhaqaale loogu uruurinayo dadka uu dabku saameeyay ee Suuqa Waaheen.

Cabdiraxmaan Kaahin oo ahaa abaabulaha kulanka, ayaa sheegay in dabkii suuqa Waaheen uu calaamad u yahay masiibadii dhaqaale ee ugu xumayd ee magaalada Hargeysa soo marta tan iyo dagaaladii sokeeye, islamarkaana uu saamayn balaadhan ku yeelan doono meelo ka baxsan xuduudaha Somaliland.

Cabdiraxmaan Kaahin, ayaa sheegay inuu ilmeeyay kadib markii sawirada dabka ee suuqa Waaheen ku baahay baraha bulshada dabayaaqadii todobaadkii hore, isaga oo maalintii xigtay shir deg deg ah isugu yeedhay madaxda bulshada.

Dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka dhashay Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaadhaya, iyada oo khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay masiibadaas ay xukuumadda Somaliland ku sheegen inay dhan tahay ku dhawaad 2-Bilyan oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here