Xisbiga Waddani oo Cambaareeyay Dad Laga Soo Xidhay Gobolka Awdal

0
1199

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa cambaareeyay, dad uu sheegay in laga soo xidh xidhay deegaamada Ruqi, Seemaal iyo Boodh ee gobolka Awdal, halkaasi oo shacab badani kusoo xoomeen kadib markii la sheegay in dahab laga helay.

Xoghayaha Arrimaha Guddaha Xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi, oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa sheegay in qaybo kamid ah dadkii ku dhaqnaa deegaanada dahabka laga helay la xidh xidhay.

“Waxaa weerar lagu qaaday deegaanka Ruqi ilaa Seemaal, oo dadkii joogay inta la weeteeyay oo iskuulo lagu ururiyay, ayaa markii danbena lagu soo daabulay Boorama, kadibna waxa la keenay Hargaysa, runtii waa nusqaan hadii ay wax dhacaan, in meesheeda lagu xakameeyo ayay ahayd, meeshuna Boodh ayay ahayde Ruqi waxa geeyay garan maayo” ayuu yidhi Faarax.

Xoghayaha, ayaa sheegay in dadka lasoo xidhay aan ilaa hada la saarin maxkamad “Waxaynu ognahay dadka shacabka ah ee lasoo qab qabtay danbiga ay doonaan ha la haadaane ilaa hada maxkamad lama saarin, Kulmiyena wuxuu yidhi ajaanib iyo argagixoso ayay ahaayeen”.

Bilihii u danbeeyay ayay dadwayne badani kusoo xoomeen, deegaanka Boodh, oo la sheegay in laga helay dahab, isla markaana xukuumada ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay kusoo dhex dhuunteen dad aan Somaliland u dhalan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here