Isuduwaha Caafimaadka Sool Oo Daawooyinka Gaadhsiiyay Degmadda Kalaydh

0
1058

Hargaysa(Hargeisa Press.com):Isuduwaha  wasaarada  caafimaadka ee gobolka Sool    ayaa     deeq dawooyina gaadhsiiyay xarunta caafimaadka ee degmada Kalabaydh oo ka tirsan gobolka Sool.

Dr. Bile Maxamuud Cali, isuduwaha wasaarada caafimaadka Sool ayaa  kula dardaarmay masuuliyiinta  caafimaadka ee degmada  Kalabaydh    in ay  ku faro adaygaan  daawooyinkan loogu deeqay.

Waxaanu u soo jeediyay in sii laban laabaan  shaqada caafimaadka ee bulshadda u hayaan.

Bile Xaaji Maxamuud Cali,  oo arrimahaasi ka hadlayay na waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa shaqaalaha wasaarada caafimaadka ee degmada Kalabaydh sida ay heeganka u yihiin ee ay ugu shaqaynayaan dadka jilicsan wakhtigan adag.

Daawooyinkaa aanu idiin keenay waa in  aydin  ku faro adayg-taan. Markaa dadka jilicsan ee goobahaa miyiga ah ka imanaya iyo dadka soo barakacay ee aan waxba haysan waa in daawooyinkaa aad siisaan”.

“Waanay muuqataa saamaynta  abaarta  iyo   biyo la’aantu ku yeelatay degmada Kalabaydh.  Markaa waxa aan rejaynayaa in shaqaalaha degmada kalabaydh ee caafimaadka heegan u ahaataan oo aad sii laban laabtaan shaqada aad haysaan.

Waxaana aan mari doonaa xarumaha caafimaadka ee gobolka Sool ee shaqaynaya,   waxaanan  ogaan doonaa xaalada dadku ku sugan yihiin   iyo xarumuhu wixii daawooyina ee ay haystaan”ayuu yidhi isuduwaha caafimaadka ee Sool.

Geesta kale maamulaha xarunta caafimaadka degmada Kalabaydh ayaa isna  sheegay in uu soo dhawaynayo   daawooyinkan la soo gaadhsiiyay, isla markaana  si hagar la’aana ay ugu shaqayn doonaan dadweynaha ku dhaqan degmada Kalabaydh.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here