Fannaanada Ugbaad Aragsan Ma Waxaa Loo Xidhay Siyaasad, Mise Anshax Xumo?

0
797

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabtay Fannaanada Ugbaad Maxamuud Cabdi (Ugbaad Aragsan) oo sida la sheegay lagu eedeeyay in ay faafisay Muuqaalo anshax xumo ah.

Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook-ga ee Ciidanka Booliska Somaliland, fannaanada waxa lagu xidhay eedayn la xidhiidha in ay baraha bulshada ku faafisay muuqaalo dhaqanka iyo diinta ka soo horjeeda.

Booliska Somaliland, ayaa sheegay in Ugbaad Aragsan loo haysto fal anshax xumo, waxaanay tilmaameen in lagu wado baadhitaan dheeraad ah kadibna sharciga la hor geyn doono.

Qoyska fannaanad Ugbaad Aragsan, ayaa sheegay in xilligii la qabanayay ay ku sugneyd xarunteeda ganacsi isla markaana ay khal-khal ku beertay qaabka ay boolisku uga hawl galeen soo qabashadeeda.

Cayni Maxamuud Cabdi oo ah gabadh ay walaalo yihiin Ugbaad Aragsan ayaa tidhi, “Xalay anagoo ku sugan goobteeda ganacsi ayaa Ugbaad la xidhay, gabadh ayaa markii hore noo timid u ahayd sirdoon kadibna waxaa halmar na soo gashay laba gaadhi oo buuxa, dabcan hal iyo laba askari ma ayna soo doonin ee ciidan fara badan oo khal-khal nagu beeray ayaa soo doonay”, ayay tidhi Cayni.

“Ugbaad waa gabadh reer Somaliland ah oo dalkeedii joogta, ma aha shisheeye, mana aha qof galay dambi cabsi amni sababay, qaabka ay ciidamadu noogu yimaadeen xiitaa iyaga oo aan waaran wadan wey qaldaneyd, iyaduna waxa ay sameysay ixtiraam oo way raacday”, ayay sii raacisay Cayni.

Dhinaca kale, waxaa ay sheegtay in lagu xidhay Saldhigga Dhexe balse xalay oo dhan ay la’aayeen Meesha gabadha loo qaaday, waxana ay tilmaantay in loo diiday in ay raacaan xilligii ay askartu kaxaynayeen.

Boolisku waxa ay sheegeen in Ugbaad loo xidhay fal anshax xumo iyo muuqaallo ay ku baahisay baraha bulshada, hase yeeshee qoyska ayaa ka biyo diiday iyagoo sheegay in arrintani ay tahay mid siyaasadeysan.

Fannaanada, ayaa dhawaan muujisay taageero ay u hayso xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, iyadoo si wayn taageeradeeda ugu muujisay bandhig faneed ay munaasibaddii ciidda ku qabatay magaalada Hargeysa.

“Ugbaad waa gabadh fannaanad ah, waxa ay u heestaa Soomaali oo idil, sidoo kale Somaliland waa Meesha ay u dhalatay, siyaasad marka ay noqoto ciddii ay doonto ayay taageeri kartaa, hadda waxaan rumeysannahay in loo colaadiyay arrimo la xidhiidha xisbiga Waddani oo ay taageeraysay, Ugbaadna waxay u xidhan tahay dowladda ee uma xidhna Sheekh iyo wasaarad diineed toona”, ayay tidhi Cayni oo ah Ugbaad Aragsan walaasheed.

Waxaa ay sheegtay in Somaliland ay joogaan hablo badan oo xidha Surwaal iyo shaadh qaata, haddii cid la xidhayana iyaga laga bilaabi lahaa hase yeeshee Ugbaad Aragsan ay dowladdu si kale iyo arrimo qorsheysan ay u xidhatay, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Sidoo kale, Ugbaad Aragsan ayaa baraha bulshada ku baahisay heeso ka hadlaya murankii dhul badeed ee Itoobiya iyo Somaliland ay heshiiska is af-garad ka yeesheen kadibna Soomaaliya ay ka biyo didday.

Dadka qaar, ayaa aaminsan in xadhigeeda uu qayb ka ahaa safar ay dhawaan kaga qaybgashay xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland Siciid Cabdillaahi Deni, iyo safarro kale oo ay ku tagtay Muqdisho.

“Ugbaad may ahayn argagaxiso qaabka ay ciidanku u soo galeen meheraddeeda waxa ay ahayd mid aragagax na geliyay, waa la awooday in taleefan loo soo diro oo lagu war geliyo in ay saldhigga timaaddo iyo in laba askari loo soo diro balse in xataa annagii la joognay nala cabsi geliyo waxa ay ahayd xad-gudub”, ayay ku cel-celisay walaasheed Cayni.

Qosyka, ayaa caddeeyay in Ugbaad aan wax dhaawac ah la gaadhsiin markii la xidhayay, hase yeeshee ay si aan habbooneyn ula hadleen kadib markii ay weydiisay sababta loo xidhayo.

Ugu dambayn, Qosyka ayaa sheegay in Ugbaad Aragsan ay u madax bannaan tahay ciddii ay taageeri lahayd, walibana ay heeso u qaadday xisbiga, heestaasina ay sababtay in dhowr goor oo hore loo hanjabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here