Isku-Shaandheyn La Weriyey In Madaxweyunuhu Ku Sameeyo Xukuumaddiisa Bisha Ramadaan Gudaheeda Iyo Prof Samatar, Amb. Cawil & Nuux Taani Oo Safka Hore Kaga Jira

0
908
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo,

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu 20-ka bisha Ramadaan Sameeyo isku shaandhayntiisii ugu dambaysay lixdii Sano ee uu hoggaaminayay  Somaliland.

 

Isku shaandheynta Madaxweynuhu sameynayo waxay iskugu  jiri doontaa xil ka qaadis, isku beddel iyo in la magacaabo wejiyo ku cusub siyaasadda Xisbiga Kulmiye iyo Somaliland.

 

Xogahaha Wargeyska Himilo helayo, ayaa sheegaya in Madaxwayne Siilaanyo uu Wasiirka Arrimaha dibadda u magacaabayo Axmed Ismaaciil Samatar oo Salaasadii Shalay ku biiray Xisbiga KULMIYE, Wasiirka Arrimaha dibadda ee haatana loo magacaabayo Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta,  sidaana waxa Wargeyska Himilo u sheegay Masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland codsaday inaan Magaciisa la baahin.

 

Xogaha kale ee aanu helnay, ayaa tibaaxaya in isku-shaandheynta uu Madaxweynuhu samaynayo ay saamayn doonto Wasaaradda Arrimaha gudaha isla-markaana Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha loo Magacaabi doono Danjire Xuseen Cabdi Ducaale (Cawil) oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumaddii Madaxwayne Daahir Rayaale, imikana ah la taliyaha Madaxwaynaha ee wadahadallada Somaliya iyo Somaliland,.

 

Xogta ayaa intaa ku dartay, in Wasiirka hadda jooga Wasaaradda Arrimaha gudaha  ee Cali Warancade loo beddeli doono Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo la weriyey in xilka laga qaadi doono Wasiirka Warfaafinta ee Xilligan Cismaan Saxardiid Caddaani.

 

Tibaaxayaha aanu ka helayno Isku-shaandheynta soo foolka leh, ayaa intaa ku daraya, in Madaxweynuhu uu xilka ka qaadayo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale, isagoo xilkaasi dib ugu soo celin doona Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani.

 

Dhanka Kale, Madaxweynuhu wuxuu soo Magacaabi doonaa Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland oo isku mar xilka laga qaaday Wasiirkii hore ee Boosaha oo sidaanu hore u sheegnay halkiisii loo soo Magacaabayo Dr. Sacad Cali Shire oo Wasaaradda Arrimaha dibadda ee uu hadda Masuulka ka yahay la keenayo Prof, Axmed Ismaaciil Samatar.

 

 

Wargeyska Himilo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here