Iska Hor Imaad Dhex Maray Ciidamada Booliska Magaalada Laascaanood Iyo Bulshada Magaalada Iyo Khasaaraha Ka Dhashay + SAWIRRO

0
1174

laascaanood, (HargeisaPress) —War deg deg ah oo hadda naga soo gaadhaya magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad dhex maray ciidamada booliska magaalada laascaanood iyo bulshada magaalada.

 

Waxaana iska hor imaadkani dhashay sida naloo sheegay kadib markii ciidamada boolisku ay dileen wiil dhalinyaro ah taaso oo aan ilaa hadda la garanayn sababta dhalisay dilkan,waxaana arinkaasi ka gadooday shacabka magaalada iyaga oona shacabka magaaladuna sida naloo shegay weeraray xarumaha ciidamada.

LAS 2

Intaasi ka dib waxa halkaasi laba dhinac ba ku dhex maray iska hor imaad sababaya khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

LAS

Khasaarha ka dhashay iska hor imaadkan ayaa naloo sheegay inay yihiin dhimashada laba qof oo shacaba iyo hal askari iyo tiro kale oo dhaawaca,waxana hakad galay isku socodkii gaadiidka iyo dadka.Sidoo kalena shacabkii gadoodsanaa aya dab qabadsiiyeen gadiidkii ciiidanka oo yaalay saldhiga hortooda.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here