IGAD Oo Shir Ku Saabsan Khilaafaadka iyo Nabdgeliyadda Ka Furay Laascaanood

0
979

Laascaanood (Hargeisa Press): Ergooyin ka socda gobolada Sool iyo Sanaag, ayaa magaalada Laascaanood waxa looga furay shir ku saabsan xalinta khilaafaadka iyo dhismaha nabad-gelyada.

Kaasoo uu soo qabanqaabiyey Urur-goboleedka IGAD oo kaashanaya Hay’adda Mucaawimooyinka u qaabilsan Boqortooyada Ingiriiska ee UK Aid.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxa ka qaybgelaya ergooyin isugu jira Rag iyo Haween loo xushay in ay noqdaan danjireyaal ka shaqeeya arrimaha nabad-gelyada iyo xalinta khilaafka bulshada dhexdeeda ka dhaca.

Waxaana inta uu shirkaasi socdo lagu baraarujin doono qaababka looga hortaggo mushkiladaha colaadda abuura.

Badhasaabka Gobolka Sool iyo Masuuliyiinta degmada Laascaanood oo furitaankii shirkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey in kulankan lagu qabto magaaladaasi.

Iyagoo tilmaamay in uu wax weyn ka tari doono xal u helida dhibaatooyinka nabad-gelyada liddiga ku ah ee soo noqnoqday.

Saraakiil ka socda Xafiiska Ururka IGAD oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in hirgelinta barmamujkani wakhti dheer soo socday.

U jeedaduna ay tahay in gogol-xaadh loo sameeyo mashaariicda horumarka iyo xasiloonida gobolada Sool iyo Sanaag.

 

Halkan ka Daawo Muuqaal:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here