Shirkadda DP World oo Taag Cusub Ku Wareejisay Hay’adda Dekeddaha Somaliland

0
1806

Berbera,(HargeisaPress)- Shirkadda DP World, ayaa  sheegtay inay Hal Taag oo cusub  ku wareejisay Hay’adda  Dekeddaha Somaliland, Kaas oo  qayb ka ah qorshaha lagu kordhinaayo awooda adeega ballaadhinta dekedda Berbera.

Taagan cusub oo loo bixiyey Sanaag ayaa soo xidhi doona Maraakibta ku soo xidhata dekedda Berbera iyo kuwa ku xumaada badda dhexdeeda .

Sida ay ku waramayso Wakaallada Wararka Solona Taagan  lagu soo xidho maraakiibta oo ah mid Casri ah ayaa muddo laba iyo toban bilood ah lagu tababari doona hawl-wadeenada ku shaqayn doona.

Shirkadda Dp World ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in taagan casriga ah oo dhererkiisu yahay 12.3 mitir kaas oo kaalin ka qaadan doono horumarka adeegga dekedda Berbera.

Waxa kale oo ay shirkadda Dp World sheegtay in ay dhawaan dhammaystirtay 400 boqol oo mitir oo lagu ballaadhinayey dekedda Berbera islamarkaana uu mashruucisa dhammaaday boqolkiiba Toddobaatan .

Shirkadda DP World waxa ay intaasi ku dartay in marka uu mashruucani dhammaado ay dekeddu qaadi doonto 500.000 (shan boqol oo kun oo kontiinar) sannadkii. Waxaanay tilmaantay in qorshahoodu yahay in Marsada Berbera ay noqoto xuddunta ganacsiga geeska Afrika .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here