Hogaanka Sare ee Ucid Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Burco

0
824

Burco , (HargeisaPress) — Hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid, ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaalo madaxda Togdheer ee Burco. Boqolaal ka mid ah Shacabka Togdheer oo wata Gaadiid iyo Astaamaha Ucid, ayaa meel 20Km u jirta Magaalada kaga hor tagay Masuuliyiinta Ucid, islamarkaana u galbiyay dhanka Magaalada.

Markii galbisku dhamaaday ayaa Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe,Musharaxa Madaxweyne Jamaal Cali Xuseen, Musharax xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan iyo gudoomiye ku xigeenka 3-aad Mujaahid Cali Guray waxay taageerayaashooda kula hadleen xarunta Xisbiga ee Burco, iyagoo si diiran uga mahadceliyay Shacabka soo dhaweeyey.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in Maalmaha soo socda ay ku sugnaan doonaan Burco islamarkaana ay la kulmi doonaan Shacabka, iyagoo tilmaamay in Bulshada Somaliland diyaar u tahay Doorasho Xor ah oo Xalaal ah.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here