Daawo Muuqaal: Wasiirka Caafimaadka Oo Eedayn U Jeediyay Dhakhtarada Gaarka Loo Leeyahay, Beeniyayna Warar Ka Dhan Ah Cisbitaalka Guud

0
1052

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ku salaysan dad adeeg la’aan Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ugu dhintay oo uu baahiyey Wargeys Hargeysa ka soo baxa. Shir Jaraa’id oo ay wada jir u qabteen Wasiirka Caafimaadka,Agaasimaha iyo Agaasimaha Cisbitaalka Guud ayay ku beeniyeen inaanay jirin Dad qalliino ugu dhinta Cisbitaalka iyo adeeg la’aan ka jirta toona.

Wasiirku Waxa uu sheegay inuu Maxakamad la tiigsanayo Wargeyska Warkaasi baahiyey, waxa uu tilmaamay inay jiraan dad u arka in Horumarka Cisbitaalku dhibaato ku yahay Ganacsigooda “Annagu cid gaara tilmaami mayno laakiin,cidkasta oo warkaas ka dambeysay aad baanu u Cambaaraynaynaa.Wargeyska warkaas  baahiyayna Maxakamad baanu la tiigsanaynaa, waanu caddaynayaa warkan uu sheegay” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.

Wasiir Xaglotoosiye waxa uu sheegay in Cisbitaalku sameeyay horumar balaadhan “Cisbitaalku, horumar aad iyo aad u wanaagsan oo runtii la taaban karo oo Mushatamacu ogyahay ayuu ku talaabsaday.Adeegyo badan oo Caafimaad oo aan hore loo dabooli jirin ayuu daboolay.Caafimaad dibada loo tagi jiray ayaa halkan laga helaya hadda, waxa jooga dhakhaatiir aqoon u leh hawsha ay qabanayaan, Daawo tayo leh baa la keenaa oo Waa Cisbitaal Qaran ee maaha Cisbitaal Hargeysa” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Halkan ka Daawo

 

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here