Hay’adda Shaqaalaha Somaliland oo Bilaabeysa Hubinta Liiska Shaqaalaha Rasmiga Ah Ee Dowladda

0
1617

Hargeisa (Hargeisa Press)- Hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland ayaa sheegtay in ay dhowaan fulin doonto barnaamij balaadhan oo lagu dabagalayo, isla markaana lagu baadhayo shaqaalaha ku jira liiska mushahar bixinta dowladda ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha badaxa bannaan ee dowladda.

Waxyaabaha la hubin doono waxa ka mid ah in qof kasta oo shaqaale ahi uu ku sugan yahay goobtiisii shaqada, iyo in xogtiisu sax ku tahay sida ay xafiisyada xogta ee Hay’adda Shaqaalaha dowladdu u hayaan isla markaana la helo faylkiisa xogta shaqsiga ah.

Waxayna Hay’adda shaqaalaha dowladdu waaxda cududda shaqaaluhu ee wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dowladda la socodsiinaysa in ay si mug leh xil isaga saaraan diyaarinta xogta qof kasta oo shaqaalaha ka mida, isla markaana heegan buuxa geliyaan shaqaalaha si ay hawshan ugu diyaar garoobaan una diyaarsadaan dokumentiyada muujinaya xogtooda shaqsiga ah sida kaadhka aqoonsiga muwaadinka iyo kaadhka shaqaalaha dowladda.

Ugu dambayn, Hay’adda shaqalaha dowladdu waxay u soo jeedisay masuuliyiinta waaxda cududda shaqaalaha in hawshaasi ay sida ugu habboon u qabsoonto isla markaana ay gacan ku siiyaan hawl-wadeenada Hay’adda shaqaalaha dowladda ee hawshan ka shaqaynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here