Cali Gurey oo Xisbiyada Ucid iyo Waddani U Soo Jeediyay In Ay Ku Biiraan Kulmiye, Si Ay Somaliland Ugu Celiyaan Nidaamka Xisbiga Keliya

1
4043
Hargeisa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland ayaa waxaa uu ka hadley xaalada xisbiyada dalka, shirweynaha xisbiga Kulmiye iyo furista ururada siyaasada. 
 
Siyaasigan ayaa waxaa uu fariin u diray labada xisbi mucaarid ee Ucid iyo Waddani, isagoo u soo jeediyay in ay iskaga biiraan xisbiga Kulmiye si ay Somaliland ugu celiyaan nidaamka xisbiga keliya.
 
Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ayuu ugu baaqay inay isaga degaan xilalka oo ay fursad siiyaan cida qudha ee badbaadin karta xisbiyadooda ee ogol in ururada la furo.
 
Waxaa uu sheegay in hadii ay diidaan labadaa arin oo ay sida ay hada yihiin sii ahaadaan ay fursad u noqon karto xisbiga Kulmiye.
 
Cali Gurey ayaa sidoo kale sheegay in badbaadinta nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland aanay u oolin xisbul xaakimka Kulmiye ee ay u taalo labada xisbul mucaarid.
 
Madaxweyne Biixi ayuu sheegay in sidii uu dantiisa iyo danta xisbigiisa uu u arkayay uu ku calool adaygay oo aanay arinta xisbiyada mucaaridku khuseyn oo aan lagu canaanan karin.
 
Siyaasi Cali Gurey ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boga uu ku leeyahay Facboog, waxaanu u dhignaa sidan:-
 
SHIRWAYNIHII KULMIYE MAXAA KAAGA BAXAY?

Arinku waa laba mid.  UCID iyo WADDANI in ay iskaga biiraan KULMIYE si ay Somaliland ugu celiyaan nidaamka xisbiga keliya. Iyo in Faysal iyo Cirro ay iskaga degaan xilalka oo fursad ay siiyaan kuwo badbaadin kara xisbiyadooda oo ogol in ururada la furo oo aan baqe ka qabin in ay waayaan xisbinimadooda. 

Labadaba hadii ay diidaan sidan hadda ay yihiinna sii ahaadaan taasi waxay fursad u noqon kartaa keliya Kulmiye, nin jecel iyo nin necebba, ururo la furayaana ma jirto. 

Sidaa daraadeed badbaadinta nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland uma taalo xisbul xaakimka Kulmiye ee waxay u taalaa labada xisbul mucaarid. 
 
Madaxwayne Muuse isaga ta xisbigiisa ayaa u taal waanu ka shaqaystay oo sidii dantiisa iyo danta xisbigiisa uu u arkayay ayuu ku calool adaygay. 
 
Garina Allay taqaane ta xisbiyada mucaaridku isaga uma taalo lagumana canaanan karo waayo siyaasadda la isma amaahiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here