Haween Mudaharaadyo Ka Dhigay Magaalada Boorama oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
672

Boorama (Hargeisa Press) – Qaar ka mid ah Shacabka kala duwan ee ku ganacsada Sariibada weyn ee magaalada Boorama ayaa waxa ay maanta Mudaharaadyo balaadhan ay ka hor dhigeen Dawlada hoose ee degmada Boorama iyo Afaafka hore ee Sariibadaasi.

Dadweynahan mudaharaadyada dhigay ayaa waxa ay ka cabanayaan Cashuur kordhin ay dawlada Hoose ee Boorama ay ku soo rogtay.

Mudaharaadyadan ayaa socday mudo saacado ah kuwaasi oo ay dadweynahani kaga cabanayeen maamulka dawlada hoose ee degmada Boorama.

Dhinaca kale, Ciidamada Booliska ee Gobolka Awdal oo goobta ay dadweynahani mudaharaadyada ka dhigayeen soo gaadhay ayaa waxa ay xabsiga u taxaabeen Haween ka mid ah Dadkii mudaharaadka dhigayay.

Hargeisa Press Desk/Boorama Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here