Hargeysa: Xukuumadda Somaliland Oo Dib U Furtey Warshad Hore Ay U Xayirtay

0
712

Hargeysa,(HargeisaPress)—Hay”adda dhowrista tayada Somaliland, ayaa maanta shaacisay inay dib u furtay Warshada U-FRESH oo soo saari jirtay sharaabka iyo cuntooyinka kala duwan.

Haseyeeshee Hay”adda dhowrista tayada ayaa hore u sheegtay in kadib baadhitaan dalka dibadiisa ay ku soo sameeyeen wax soo saarka shirkada U-FRESH ee soo saarta cabitaanada sharaabka kala duwan ay ku ogaadeen inay ku jiraan waxyaabo wasakhaysan, sidaa darteedna ay go,aan ku gaadheen in suuqa dib looga soo celiyo ama dib looga soo uruuriyo wax soo saarka shirkadaasi.

Guddoomiyaha hay”adda dhowrista Tayada Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, ayaa xayiraad ka qaadista waarshadan kaga dhawaaqay munaasibad balaadhan oo lagu qabtay xarunta warshadaasi oo ku taala Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here