“Berri Oo Ku Beegan 1-da May Shaqaalaha Somaliland Waa Fasax” Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha

0
1252
Sharmaarke Geelle Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress) — Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay Fasaxday Shaqaalaha Dawladda Maalinta bari ee Salaasada ee Bishu tahay 01/05/2018-ka oo ku beegan maalinta shaqaalaha adduunka.

Maalinta Shaqaalaha Aduunka

Iyada oo maalinta beri ah ee taariikhdu tahay 01/05/2018 ay ku beegan tahay maalinta shaqaalaha aduunka ayey badi dalalka dunidu xusaan doorka ay shaqaalaha kala duwan kaga jiraan horumarka, koboca dhaqaalaha, isu-socodka bulshada iyo bixinta adeegyada kala duwan ee aasaasiga u ah nolosha.

Haddaba, Guddida Hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo u riyaaqsan qiimaha shaqaalaha dawladdu kaga jiraan horumarka dalka iyo bixinta adeega isla markaana ka warqaba in ay kamid tahay fasax sanadeedka shaqaalaha dawladda, waxa ay shaqaalaha dawladda ku wargelinaysaa in maalinta Salaasada ah taariikhduna tahay 01/05/2018 ay noqon doonto maalin fasax oo shaqaalaha dawladdu ka nasan doonaan shaqadii maalin-laha ahayd

Shaqaalaha Dawladda Somaliland meel ay jooganba waxaan u rajaynayaa cizi, cibaado iyo caafimaad waxaanan Alle uga baryayaa bashbash iyo badhaadhe

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here