Gudoomiye Sharmaarke Waa Shamac Ka dhex-ifaya Dhalinyarada Ficiisa Ah

0
1434
Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Mudane Sharmaarke Axmed Muxumed (Geele)

HARGEYSA—Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Somaliland Mudane Sharmaarke Axmed Muxumed (Geele),waa shamac ka dhex-ifaya dhalinyarada ficiisa ah, waaanu ka soo dhalalay shaqadii iyo hawshii loo igmaday ee uu qarankan curdinka ah ee Somaliland uu u hayay.

Arimaha sida gaarka ah loogu xasuusan doono gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawlada mudane Sharmaarke Axmed Muxumed Geele, waxa kamid ah, nin jecleysiga iyo waliba inuu soo kala dhaweysto shaqaalaha uu madaxda u yahay, waxa uu bari ka yahey weerarka qaawan ee siyaasiyiinta Somaliland ku caan baxeen ee shakhsi weerarka iyo badheedhaha ceyda ah waana sababta loogu tilmaamo shakhsi aad u af gaaban, waxaa uu bulshada qaybaheeda kala duwan ugu calaamadsan yahay inuu yahay shaqsi farxadeed una jajaban dadka uu xilka u hayo.

Waxyabaha kale ee uu kaga duwan yahay jiilka dada yare e xilalka haya waxaa ay tahay inuu bari yahay callool xumo, cuqdad, waxaanu si toosa oo gabasho laheyn u abaara fikirada horumarineed ee aqoontu hageyso, ahna kuwa uu doonayo inuu ku horumariyo qarankan curdinka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Taasina waxaa daliil marag ma doona u ah sidii wanaagsaneyd ee aan gabashada laheyn ee uu u kala hufay shaqaalaha weynaha qaranka Somaliland, ee mudada dheer aan lagu sameyn madaxtaabasho taaba gala isaga ka hor isaga oo ka gudbay caqabado badan oo samirkooda iyo dulqaadkoodaba lahaa.

Waxaanay gudooyenimadiisu tahay mid runta ka sheegta himilada iyo horu u socoshada, iyada oo ay hirgaleen mashaariico fara badan oo raadadkooda iyo alifaadoodaba uu maskaxdiisa ka tuujiyay uu kuna guuleystay ka midha dhalintooda.

Gudoomiye sharmaarke waa silsiladii iyo buunadadii isku xidhaysay shaqaalaha qaranka Somaliland bari min galbeed, isaga oo ku ifiyay toosha nuurka weyn leh kuna qabtay dad badan oo sifo sharciga baalmarsan ugu wada shaqeynayay hay’addo badan oo dawliya, islamarkanaa fursada ka qaaday walaalkooda aan shaqada heyn ee qarankan martida u ah.

Shaandhada uu mariyay shaqaalaha weynaha qarankani waxaa ay dhiirigalin u noqotay oo ay rajo galisay in badan oo ka mida ubaxa wadankani oo markii hore nolosha quus iyo ka rajo dhigis ku jiray, kuwaaso badhkood ay qarka u saarnaayeen inay wadanka iskaga baxaan islamarkaana ay tahriibaan si u gaadhaan halka qayrkooda qarankan u shaqeeyaa ay gaadheen.

Taariikhdu waa waxaan duugoobin, dhaxalka uu qarankani uga tageyna waa waxaan guurey iyo gaboobey toona laheyn , taariikhda faca weyn ee soo jireenka ah ee uu qarankani ku faano kuna caano maalo ayaa xusi doonta waxaanu uga tagay bulshaweynta qaranka Somaliland dhaxal wiilka wiilkiisu uu ku baahi bixi doono kagana bixi doono shaqo la’aantii wadanka ragaadisay ee mudada badan laga dhursugayay sida looga bixi doono iyo cida guntiga dhiisha isaga dhigi doonta ee bulshadani u wada simi doonta cadaalada.

Garaad Abdiqani Abdilaahi Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here