Hargaysa: Shirkii Wasiirrada Somaliland Oo Ku Qabsoomay Qaab Cusub

0
669

Hargaysa (HP): Shirkii todobaad laha ahaa ee golaha wasiirrada Somaliland ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muuqaalka ah, iyadoo masuul waliba meel ka soo galay khadka.

Waxaanay wasiirradu shirka kaga qayb galeen xafiisyadooda, taas oo ka mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka Covid-19.

Shirkaasi oo noqonaya fadhigii 58aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxaa  shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray af-hayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.

Waxaana shirkaasi lagaga wada hadlay Xanuunkan dunida saameeyey ee Covid 19, xoojinta go’aankii hore ee lagu joojiyey qaadka muddo kooban, sidii ay dalka u soo gaadhi lahaayeen daawooyinka.

Mucaawimooyinka Somaliland loogu talo-galay ee ay ku soo deeqayaan muwaadiniinta Somaliland ee hantida leh iyo dalalka daneeya Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dardar gelinta hannaanka wacyigelineed ee xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here