Warbixin: Tacadiyadda Ay Dawladda Hoose Ee Hargaysa Ku Hayso Bulshadda Danyarta

0
769

Qaybta koowaad ee warbixino aan ku falan-qaynayno hagar-daamadda, dhibaataynta iyo hawl-galadda sharci darrada ah ee ay dawladda hoose ee Hargaysa u gaysato dadka danyarta ah……

 

Hargaysa (HP): Tan iyo markii ay guddiga heer qaran ee ka hor taga caabuqa Covid-19 ee Somaliland soo saareen go’aamadii lagu amrayay in bulshadu kala fogaato, ayaa dawladda hoose ee Hargaysa waxay gaboob fallo ka gashay shacabkeedda.

Waxaanay bilaabeen hawl-gallo sharci darro ah oo ay dadka danyarta ah kaga bur-burinayaan meheradaha cooshadda ah ee ay nolol maalmeedkoodda kala soo baxaan.

Tallaabadaasi oo bulshadii danyarta ahayd ku keentay in kumanaan qoys waayeen meel ay ka helaan wax ay ku noolaadaan, kuwaasoo haatan xaaladoodda nololeed ay marayso meel halis ah.

Hawl-galadan sharciga baal-marsan ee ay samaynayso dawladda hoose ee Hargaysa, ayaa loo arkaa kuwo ay kaga faa’iidaysanayso shaqadoodii ay hore uga gaabiyeen ee la xidhiidhay qorshaynta caasimadda iyo kor u qaadista bilicda magaaladda.

Sidaas darteedna iyagoo ka faa’iidaysanaya amarradii guddiga ka diyaar garowga Coronavirus, waxay olo’ole u jeedaysan ka fuliyeen suuqyadda magaaladda Hargaysa gaar ahaana suuqa dhexe oo ah halka ay jidadka ku ganacsadaan kumanaan dad ah oo yoomiyahoodda kala soo baxa.

Kuwaasoo aan haysan meello ay ku shaqaystaan ama ku ganacsadaan oo ay diyaarisay dawladda hoose oo ay shaqadeedda iyo masuuliyadaheedda ka mid tahay in ay habeeyaan suuqyadda ay bulshaddu ku ganacsanayso.

Hase yeeshee, masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargaysa oo ku caan-baxay mid fadhiid ah oo aan gebi ahaanba waxba ka qaban baahiyaha bulshaddii soo dooratay ayaa markii ay ku fashilmeen in ay dadkan danyarta ah u diyaariyaan goobihii ay ku ganacsan lahaayeen waxay taa bedelkeedda ku hawl yihiin sidii ay uga bur-burin lahaayeen alaabooyiinka iyo ganacsiyadoodiiba.

Mana jiro wax qorshe ah oo ay xukuumadda dhexe iyo dawladda hoose ee dhiig miirratadda ku sifoobay ay u hayaan bulshadan dulmiga iyo tacadiga arxan daradda ah lagula kacay.

Waxaa wax laga naxo ah in maayarka caasimadda iyo dawladda hoose ee Hargaysa ay ku temeshleeyaan cashuurta laga soo ururiyo hooyooyinka Yaanyadda, Muuska iyo khudaarta la fadhiya jidadka hareerahoodda ee Qoraxdu dubatay.

Kuwaasoo xataa aan haysan Musqullo ama Suuliyo ay ku saxaroodaan, iyadoo marka ay salaadda subax fadhiistaan ilaa saqda dhexe ee habeen-nimo iyagoo sidii u haysta Kaadiddii  ay la rawaxaan ilaa inta ay guryahoodii ku hoyanayaan.

Waxaa se nasiib darro ah in dhibaatadii iyo dayacii ay markii hore qabeen dadkaasi masaakiinta ah in loogu sii daray tacadiyo, dhibaatayn iyo in loo soo dirro ciidamo ka dumiyay kalana wareegay wixii yaraa ee ay ku shaqaysanayeen.

Halkii ay masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargaysa ka fikiri lahaayeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen, isla markaana u horumarin lahaayeen bilicda iyo nidaaminta suuqyadda caasimadda.

Waxay taa bedelkeedda ku hawlan yihiin in ay ku temeshleeyaan cashuurtii ay masaakiinta ka urursadeen oo ay u kiraysteen Guryo lagu qayilo iyo in ay ku casuumaan kuwa Sacabka u tuma.

Geesta kale Su’aasha is-waydiinta mudan ayaa maxay ku dhacday in aanu weli marnaba ka hadal madaxweyne Muuse Biixi, dhibaatadan soo waajahday dadkan kumanaanka ah ee ay dawladda hoose ku tacadiyayso.

Iyadoo aanay dawladda hoose u diyaarinin meelihii ay ku shaqaysan lahaayeen ee ay xaqqa ugu lahaayee, isla markaana maalin walba ay lacag cashuur ah kaga qaadanayeen sannado badan.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo lagu jiro xili ay guud ahaanba caalamkoo dhan cakirantay hab nololeedkii caadiga ahaa ee nolosha dadku,  caabuqa Coronavirus awgii iyo bisha Ramadaan oo iyadna sida caadiga ah kharashaadku ka kordho sidii hore.

Waxaana   bulshadda reer Somaliland gaar ahaana danyarta suuqyadda Hargaysa waxaa soo waajahday xaalad adag oo keentay in ay qarka u saran yihiin in boqolaal dad ah ay gaajo iyo cunto la,aan u dhintaan.

Maadaama oo dawladda hoose ka bur-burisay meelihii ay noloshoodda ka heli jireen, isla markaana aanay jirin meel kaloo ay ku maareeyaan nolol maalmeedkoodda.

Waxaana laga cabsi qabaa in maalin dhaw ay soo baxaan boqolaal ruux oo gaajo ugu dhinta xaafadaha magaaladda Hargaysa, kadib markii ay soo food-saartay cunto la’aan iyo in aan Dabka loo shidin muddo bil iyo dheeraad ah.

 

La soco qaybaha danbe……..

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here