Hargaysa: Masuuliyiin Xadhiga Ka Jaray Saldhig Boolis

0
394

Hargaysa (HP): Maayar ku xigeenka caasimadda Hargaysa Khadar Axmed Cumar, ayaa maanta xadhiga ka jaray rug Boolis iyo xafiis dhinaca cashuuraha ah oo ay ku yeelan doonaan xaafadda Guul Alla ee degmada Ibraahin Koodbuur.

Waxaana xadhig ka jarka kasoo qayb galay, maamulka degmada Ibraahin Koodbuur, qaar ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa, iyo dadka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada Ibraahin Koodbuur Maxamed Salaan Maxamed iyo sidoo kale xubno ku hadlaayay afka guddida horumarinta xaafaddaasi ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin mashaariicda horumarineed ee laga fuliyay degmada.

Iyagoo na tilmaamay inay aad ugu baahnaayeen bulsho ahaan, isla markaan ay ku dedaali doonaan sidii ay ula shaqayn lahaayeen dawladda hoose ee Hargeysa.

Taliyaha qabta galbeedka ee Hargeysa ee ciidanka Booliska ee Somaliland Cismaan Xaashi Daahir ayaa sheegay in rugta Booliska ee laga hirgeliyay xaafadda Guul Alla ee degamda Ibraahin Koodbuur ay wax weyn ka tari doonto amniga bulshada.

Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa iyo sidoo kale xoghayaha fulinta ee dawladda hoose ee degmada Hargeysa Siciid Nuur Jaamac, oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in mashaariicdan ay ku daadejinayaan adeegyada dawladda hoose ee Hargeysa.

Waxaanay masuuliyiintaasi  ugu baaqeen bulshada xaafadaasi in lagala shaqeeyo dhinacyada horumarinta caasimadda.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here