Hargaysa: Gar-yaqaan Dacwad Ka Gudbiyay Sheekh Masaajid Khudbad Ka Jeediyay

0
805

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Gar-yaqaan Guuleed Axmed Jaamac, ayaa sheegay in uu maxkamadda gobolka Maroodijeex, xeer ilaalinta gobolka iyo wasaaradda diinta iyo awqaafta u gudbiyay dacwad ka dhan sheekh ka mida culimadda Hargaysa.

Dacwadaasi ayaa ku tilmaamay mid uu kaga cabanayo kagana dacwoonayo sheekhaasi oo khudbadii salaadda Jimce ee shalay ku weeraray isaga, isla markaana  arrinkaasi oo uu u arko in ay halis ku tahay naftiisa iyo noloshiisaba.

Sheekhan oo magacaiisa la yidhaahdo C/raxmaan Maxanmed Cali, oo ka mida culimadda Hargaysa ayaa khudbadiisii shalay kaga hadlay arrimo la xidhiidha caddaalada iyo sida hay’adaha ka shaqeeya arrimaha xuquuqal iinsaanku u dhaliilaan fulintoodda.

Hase yeeshee gar-yaqaan Guuleed Dafac, ayaa khudbadda sheekha ku tilmaamay mid uu isaga si gaara ugu weeraray.  Waxaanu ku eedeeyay in aanu ahayn sheekh si caddaalada u hadlaya bales uu difaacayo xukuumadda, maadaama oo ay madaxweynaha ay isku beel yihiin sheekha uu ka cabanayo.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Ninkaasi sheekha ah,  wuxuu sameeyay arrin ka soo hor jeedda diinta islaamka iyo qofnimadaydaba, oo dadka ku dhiiri geliyay in ay tallaabo iga qaadaan, oo u ekayd in tahay soo dilla Guuleed. Arrinkaasi oo aan u arko in ay halis ku tahay naftayda iyo noloshaydaba. Iyadoo la og yahay waxa ka dhacaya gobolka Geeska Afrika.

Waxaan soo ogaaday in aanu ninkani ahayn nin sheekha, balse uu 100% (boqolkiiba boqol) yahay nin siyaasi ah,  oo ka mida dadka qandaraasyadda dawladda qaata. Isagoo qaatay qandaraaskii lagu soo daabcayay kutubta ee dawladda.

Waxaanu ka cadhaysan yahay arrimaha aan ka hadlo ee xuquuqal iinsaanka iyo dadka masaakiinta ah ee aan u dodo”ayuu yidhi Guuleed Dafac,  oo maanta la hadlay Eryal TV kadib markii uu dacwadiisa u gudbiyay maxkamadda gobolka Maroodijeex.

Isagoo ka hadlayay sababta uu cabashadda iyo dacwadda uga gudbiyay sheekha waxa uu yidhi “Waxaan go’aansaday in aan maxkamadda gobolka Maroodijeex, xafiiska xeer ilaalinta gobolka Maroodijeex iyo wasaaradda diinta iyo awqaafta, u gudbiyo cabasho iyo dacwad ka dhan ah ninkaasi. Si tallaabo sharci ah looga qaado.

Ninkan aqoon iskuma lihin, waxna nagama dhexeeyaan. Waxaanan u arkaa in dawladu ku lug leedahay, haddii aanay iska beri yeelin”.

Dhinaca kale sheekh C/raxmaan Maxanmed Cali, ayaa isna ku dooday in aanu isagu marnaba khudbadiisa ku sheegin magaca Guuleed Dacaf, isla markaana uu khudbadiisa kaga hadlay caddaaladii Nebi Muxamed SCW iyo in qaar badan oo ka mida dadka xuquuqda aadanaha u doodaa ay garab marsan yihiin shareecadda islaamka.

Waxaanu yidhi “Anigu khudbadaydii Jimcaha waxaan kaga hadlay caddaaladii rasuulka (SCW), caddaaladii Nebiga in dib loo eego madax iyo minjaba ayaan ka hadlay oo la fahmo. Waxaan ka hadlay in qaar badan oo ka mida dadka xuquuqal iinsaanka u doodda, ay garab marsan yihiin shareecadda.

Shakhsi mucayin ah anigu ma sheegin. Si dhaw iyo si dheer midnaba uma sheegin. Ninkaa aad sheegaysana ma aqaano, magaciisana imika ayaa iigu horaysa, halkaa haddii uu igaga soo hor baxo garan maayo”.

“Isaga-na ula jeedin khudbadayda, si guud ayaanan uga hadlay qof kastoo xaqa Illaahay ka hor yimaadda. cid gaara oo aan ka hadlay ma jirto, isaga ayaa sheegi doona halka aan sida gaarka ugaga hadlay ama aan magaciisa ku sheegay. Khudbadayduna way duuban tahay, dib-na waa loo daawan karaa.

Dalku shuruuc ayuu leeyahay, haddii uu dacwoodo iyo haddii kale-ba anigu sidaa aan imikaba uga jawaabay ayuun baan uga jawaabayaa. Waana in isaga la waydiiyaa halka uu ka keenay in aan magaciisa xusay”ayuu yidhi sheekh C/raxmaan Maxanmed Cali, oo ka jawaabayay hadalka Guuleed Dafac.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here