Hambalyo: Sanadguurada 22 aad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland

0
755

HargeisaPress — Waxaan Hamblayo iyo Bogaadin u dirayaa Taliyaha, Taliye Xigeenka, Hawlgeliyaha, Hogaamada kala duwan, Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland ee Geesiyaasha ah iyo Xaasaskooda iyo Carruurtooda aniga oo uga Hambalyeeynaya Sanadguurada 22 aad ee ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka Boliska Jamhuuriyada Somaliland.


Ciidamada Booliska Somaliland waa Geesiyaal uu Qarankeenu ku Faano oo Habeen iyo Maalinba u taagan Ilaalinta Amaanka iyo Sharciga, waxaanay muujiyeen karti iyo hawlkarnimo ay Dalkooda ugu adeegaan hadh iyo habeenba.

 

Waxaan Allah uga baryayaa inuu Sanadkan kiisa kale ku gaadhsiiyo Bash bash iyo Barwaaqo, geesiyaashii ku dhintay hawlo shaqo waxaan Allah uga baryayaa inuu u naxariisto kuwa ku dhaawacmayna uu shaafiyo. Aamiin

 

Amb. Kaysar Cabdilahi Maxamed
Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here