Daawo Muuqaal: Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Midawga Yurub u qaabilsan Somamliland iyo Somaliya 

0
804

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay maanta Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Michele Cervone d’Urso.


Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda, Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiir Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Maxamed Warancade, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali iyo Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Mudane Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr).

 

Kulnka ka dibna waxa saxaafada si wada jira ula hadlay wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland iyo Ergeyga Qaramada Midawga Yurub, iyagoo ka warbixiyey ujeedada kulanka.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here