Hambalyo Abwaan Cabdiwaaxid oo Xorriyadiisa dib u Helay! Amb. Kaysar Cabdilaahi

0
1020

Si Alliyo faduul baan ku imi sabadan xeebeede Weligayba saar iima qaban suudhan Doonyaha’e
Senge dhabarki saymiyo colbaan saami ku lahaaye
Sir iyo caad samaan iyo xumaan waxan sameeyaaba
Anba waan ka soo saari jirey saymo kii galaye
Sahlanaa amuurtaydu sow lalama sooyaamo
(Abwaan Xuseen Xasan)

Asalaamu Calaykum

Waxaan Hambalyo Iyo Mahadnaq Shakhsi ah u Dirayaa Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir iyo Waxgaradkii kale ee la socday ee Beryahanba ku Hawlnaaa Inay Xasiga ka soo daayaan Abawaanka Cabdiwaaxid Cali Gamadiid ee Muddo bilo ah ku xidhnaa Xabsi ku yaallay Magaalo Xeebeedka Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland. Waxaan sidoo kale Mahadnaq u dirayaa Shacbiga iyo Hogaanka Dhaqanka ee Reer Puntland iyo Xukuumadooda oo si heer Sare ah oo Sharaf iyo Milgo Gobonimo iyo Ehelnimo ay ku jirto usoo dhaweeyay Wafdiga uu Suldaanku hogaaminayay una soo dhameeyay Muraadkii ay u tageen halkaas oo ahaa inay Xabsiga ka soo daayaan Abawaanka Cabdiwaaxid Cali Gamadiid, iyaga oo Shacbiga, Salaadiina, Boqorrada, Ugaasyada iyo Maamulka Puntland ay Maanta Casuumad Sharafeed Sagootin ah ay Suldaanka Guud iyo Wafdigisa ugu Sameeyeen magaalada Garoowe.

Waxaa kale oo aan ku rejo weynahay in Abwaanka oo ah nin dhalinyaro ahi uu Cashar ka baran doono Xabsiyadii kala duwanaa ee Hargeisa iyo Boosaaso kana fogaan doono wax kasta oo dhib usoo jiidi kara waxna u dhimi kara Sumcadiisa iyo Sumcada Dadkiisa iyo Dalkiisa.

 

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here