HALKII AAN KA IMI 2AAD: Xalka Waxbarasho La’aanta Miyiga

0
1192

Hargeysa, (HargeisaPress) —Ku soo dhawaada soo saaristii 2aad ee documentary filimkii HALKII AAN KA IMI oo uu soo saaray suxufiga Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare). Maadaama oo uu markii hore kaga hadlay dhibta waxbrasho la’aanta miyiga oo uu tusaale ahaan u soo qaatay meeshii uu ku dhashay ee uu ku hana-qaaday (Dhooboweyne), qaybtani waxay xanbaarsan tahay xalal jawaab u ah dhibtii waxbarasho la’aanta ee deegaanka Dhooboweyne iyo miyiga kaleba.

Markii uu soo baxay HALKII AAN KA IMI 2AAD, afar bilood gudahood ayaa dadka deegaanka Dhooboweyne oo ahayd meesha uu filimka ka sameeyey waxay guddoonsadeen inay dhibtaa waxbarasho la’aanta ka tashadaan, isla markaana ay xal ka gaadhaan. Waxaana ay guddoonsadeen inay geed hoostii ood-dhigaan oo ay waxbarashada ka bilaabaan. Iyadoo wiilkii documentary filimkaa hore xuddunta u ahaa ee Mawliid Xasan Macallin na uu deeq waxbarasho helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here