Halkan ka Akhri-Maansada “Daalacan” Kana Hadlaysa Duruufaha Siyaasadeed Ee Dalku Ku Sugan Yahay. Abwaan Sacad X Maxamuud Gahle

0
956

Laba kaclayntii Silsiladii Deelay Oo ku Bilaabantay Maansada Daalacan Kana Hadlaysa Duruufaha Siyaasadeed Ee Dalku Ku Sugan Yahay.

 

“Mar haday dirsoociyo

Daw dhaafka xeerkiyo

Dulmi ay wadaagaan

Mar hadaan dulqaadiyo

Dabci lagu hogaanshiyo

Daganaansho lagu hubin

Mar hadii ducaalow

Xeer  lagu dabraayoo

Xisbinimada daafaca

Sharcigooda lagu darin

Mar hadii daryeeliyo

Danta guud waxuu taray

Dadku aanay garanayn

Isku soo dabaaloo

Mar hadii ducaalow

Daacadnimo ka dheer tahay!!!!!

 

Ugu horayn  waxaan Alle uga baryayaa in uu Jannatu Fardawsa ka Waraabiyo Marxuum Aqoonyahan, Abwaan Maxamad Xaashi Dhamac Gaariye oo Daah furay Silsiladii Deelay  Dabayaaqadii Sannadkii 1979 iyo Dhamaan Abwaaniintii Geeriyootay ee ka qayb qaatay Silsiladii Deelay inta Noolna ALLE Caafimaad iyo Cibaado haku Arsaaqo Laba kaclaynta Silsilada Deelay iyo Duruufaha Siyaasadeed  ee Maanta Dalku ku sugan yahay oo ku bilaabantay  Maansada ( DAALACAN ) waxaa curiyay  Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle 10/10/2016 waa Maanso  Abwaanku kaga hadli doono Duruufaha Siyaasadeed ee ku gadaaman dalka iyo Dabarka Adag ee lagu xidhay Geedi socodkii Dimuquraadiyada S/land oo lagu tilmaami karo Maahmaahda Soomaaliyeed ee odhanaysa (  Ruqe Ninkii Lahaa Dabada Hayaa Ma Kaco  ) Mar kale Midhaha Maansadani waxay iftiimin doonaan Isbadaladii ugu danbeeyay ee Saaxada Siyaasada ka dhacay iyo Go”aanadii  ay ka qaateen Siyaasiyiintu oo Salka ku haya Dano Shaqsiya oo fashilan marka laga reebo Ashqaas Gaara  oo  qaatay Go”aan waayo aragnimo Siyaasadeed Xambaarsan Isbadaladii Saaxada Siyaasada ka dhacay Maansadan oo  Abwaanku ugu magac daray ( Daalacan ) sida magaceeda ka muuqata waxay Daaha ka qaadi doontaa  Tartanka fashilan ee Xisbiyada Siyaasada oo Mabda iyo Fikir ay ku kala duwan yihiina aanu jirin iyo Dabeecadaha ay ku dhaqmaan Siyaasiyiinta Saaxada Siyaasada Safka hore kaga jiraa oo ah mid ka hadalkeeda  mudan waaxaanu Maansada Daalacan ku bilaabay sidan .

Waayadan ducaalow

Deelayda  maansiyo

Murti daah furkeedii

Dabnahayga uma furin

Danbi dhacay ma faalayn

Diiwaanka gabaygiyo

Suugaanta kuma darin

Wali Doodba kama furin

Dacalada aduunkiyo

Darifyada ma gaadhsiin

Maantana ducaalow

Daymadii abwaankiyo

Diiradiisii dheerayd

Daalacan ku soo sheeg

Dakharada siyaasigu

Dumadiisa kala galo

Ama duunyo kala helo

Ama dayn la kala tago

Baritana ducaalow

Dafiraadu fududahay

Nin ilduufay loo tudhun

Dacwadooda maan qorin

Wali dood kamaan furin

Daliilkeedu waxuu yahay

Durba fiiro dheeruhu

Durki  fahanka sheekada

Dadaalkiina libin laab

Dabadeedna xaajada

Dib u eegistuu waday

Isagoo digniin qabay

Dibindaabyo loo dhigay

Ka dabaalay gabigood

La dardaaran shacabkii

Talo daawo noqotoo

Isku duubni keentoo

Ninkastoo dareenloo

Damiirkiisu nool yahay

Qaranimo u dayr tahay

Marna aanu  diidayn

Maqalkooda deeqsii

Daliilkeedu waxu yahay

Raga kii digtoonaa

Digorogashadoodii

Iska diid hayaankii

Nacaskuna  docdiisii

Dalandool socdaalkii

Xisbigii ka digo rogay

Nin ka duday xilkiisii

Kuba daali maayee

Ma ogtahay ducaalow

Duqay waayo aragoo

Dugsi  gaara furatoo

Duruus gaara bixisoo

Arday dooran qoratoo

Casharada duxdoodiyo

Darsi gaara siisoo

Dalka  lagu hagaa jira

Ma ogtahay ducaalow

Rag daboolka saaroo

U faq daaya madaxdoo

Ka ilaasha dibadoo

U diyaarabaa jira

Ma ogtahay ducaalow

Nin  dabaalanaayoo

Daldalool ka eegtoo

Dugsanaaya beentoo

Dabayl raacayaa jira

Ma ogtahay ducaalow

Rag dilaala beentoo

Dakhli badan ku qaatoo

Ka danaystaybaa jira

Daliilkeedu waxu yahay

Dib u curashadeenee

Xeerkiyo distoorkii

Dimuquraadi lagu qoray

Foodka loo dareeree

Doorashooyin lagu galay

Rag dabraaya baa jira

Xisbiyada docdoodii

Rag duleeyaybaa jira

Bahal daba qaloociyo

Dulin lagu abuuroo

Dildilaacshabaa jira

Daliilkeedu waxu  yahay

Waa duul siyaasiya

Dir kastoy  wadaagaan

Damacbaa dhex yaaloo

Dagaal hoosebaa jira

Duulaanku waa hadal

Waa dood afmiishaar

Dablay loo hubeeyiyo

Daba laabka qorigiyo

Dilku waa ka xaaraan

Darajada u waynee

Dalacaada bixisee

Dadku ay jeclaystaan

Dariiqeeda loo maro

Dalcad weeyi  dheeroo

Figta buurta daaliyo

Daruurtay la siman too

Dabin iyo shirqooliyo

Dakanooyinbaa yaal

Damanaha war mooga ah

Laga daday xanteedoo

Waa lagu danbaabaa

Qof kastoo daneeyoo

Damaceedu qaadaa

Raaxadaa ka durugtoo

Dirqibuu u nool yahay

Da”ana way ku korodhaa

Daliilkeedu waxu yahay

Xilldhibaan  la doortoo

Xillka duubka loo sudhay

Danyartiyo miskiinkiyo

Dabatada kaluunkiyo

Bulsho duurka  joogtoo

Duunyada kusoo dhaqa

Daryeelkooda muu siin

Daliilkeedu waxu yahay

Dadka diiftu haysee

Baahidu la daristee

Daranyadu u wehel tahay

Rag u soo dalxiisoo

Doonyaha ku gooshoo

Diyaarado u raacoo

Darajada u waynee

Dalacaada bixisiyo

Madaxnimo ka doonoo

Ka danaystay waayadan

Dacwadooda maan qorin

Wali dood kamaan furin

Mar labaad ducaalow

Raga dayrka dhaafee

Doobigoodu buuxee

Tartan loo diyaarshee

Dalbanaaya madaxnimo

Labadaba  doraadbaan

Xukunkooda daawaday

Daliilkeedu waxu yahay

Mar haday dirsoociyo

Daw dhaafka xeerkiyo

Dulmi ay wadaagaan

Mar hadaan dulqaadiyo

Dabci lagu hogaanshiyo

Daganaansho lagu hubin

Mar hadii ducaalow

Xeer  lagu dabraayoo

Xisbinimada daafaca

Sharcigooda lagu darin

Mar hadii daryeeliyo

Danta guud waxuu taray

Dadku aanay garanayn

Isku soo dabaaloo

Mar hadii ducaalow

Daacadnimo ka dheer tahay

Laba daran mid dooray

Dadka ay u joogtaa.

 

DHAMAAD   MAANSADA  ( DAALACAN )  EE ABWAAN  SACAD  X  MAXAMUUD  GAHLE

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here