Haddalada is Khilaafsan ee Masuuliyiinta Xukuumada Siilaanyo Dagaalkii Booda-cadde!

0
914

Deegaanka Bood cade oo 30km u jirta Degmada Dhahar ayaa dagaal ku dhexmaray ciidamo ka socda Maamulka Puntland iyo ciidamada Somaliland.  Ciidamada qaranka ee Somaliland marka hore hambalyo ayaan u dirayaa sida geesinimada leh ee ay u jabiyeen gardaradaa lagu soo qaaday iyo siday mar walba heeganka ugu jiraan dufaaca qaranka. Haddaba, dagaalkaa waxaa ka hadlay Seddex masuul oo tirsan xukuumada Axmed Silaanyo kuwaas oo kala ahaa Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaciil Shaqalle, Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiir xigeenka wasaarada warfaafinta Shukri Xariir.

 

Haddaladooda ayaan jecleystay inaan halkan kusoo bandhigo farqiga kala duwanaanshiyo baaxad leh taas oo shacabka ku keeni karta kalsooni la’aan iyo in ayna rumaysan haddalada kasoo yeedha masuuliyiinta xukuumada marka ay timaado xaaladahan oo kale.

 

Fool xumadan waxaa sababay ayaan odhan karaa isbarbar- yaac aan loo meel dayin oo aan loo odhaah dayin. Haddaynu soo qaadano darifka kale ee dagaalku ina dhexmaray waxa u hadlay hal masuul oo ahaa Taliye xigeenka ciidanka puntland Col.Jaamac Saxardiid isaga oo la hadlaaya idaacada VOA  ayaa waxa uu yidhi “ Shan askari ayanu ka dilnay Somaliland , dhinacayaga hal askari ayaa naga dhintay midna wuu naga dhaawacmay”  Tan waxaan usoo qaatay way rumaysan karaan shacabka reer puntland waayo hal masuul ayaa u hadlay . haddaba,  Shacabka Somaliland waxaan weydiin lahaa seddexdan masuul ee inoo hadlay keebaanu rumeysanaa? Amintana illa wadaaga hadaladii masuuliyiinteena sedexda ah ay warbaahinta inoo soo mariyeen, iyada oo ay iga tahay xasuusin kaliya maadaama oo aad horeba u hayseen hadaladooda. Waana kuwan:Taliyaha guud ee ciidamada militeriga Somaliland Sareeye Gaas Ismaciil Shaqalle oo la hadlay BBCda ayaa sheegay in Puntland dagaal daandaansi ah kusoo qaaday ciidanka somaliland ee degan degaankaa, islamarkaana waxa uu xusay in ciidanka qaranku ka jawaabay weerarkaa. Wuxuu intaa raaciyey Gen. Shaqalle in ciidanka Somaliland uu jabiyey ciidankii soo weerarey islamarkaana uu ka qabsaday seddex baabuur iyo lix maxbuus dagaal oo mid ka mid ahi yahay xildhibaan.

 

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo isna dhankiisa isaga oo ku sugan degmada hadaaftimo ee gobolka badhan oo saxaafada u waramayey ayaa wuxuu yidhi ‘ Xuduuda dhahar meel ku dhow weeyi meesha dagaalku ka dhacay ciidankeena lasoo weerarey si raganimo leh bay  isu daafaceen gardaradii ayaa laga adkaaday xaqii baa adkaaday dhawr iyo toban baabuur ayaa laga qabsaday, gaadhi waa laga gubay,dhowr iyo toban nin oo maxaabiis ahna waa laga hayaa

 

Wasiir xigeenka wasaarada warfaafinta Shukri Xariir oo iyana ka hadashay dagaalkaa dhacay waxay tidhi “ Somaliland ciidamadeeda halyeyada ah ee mahada mudan waxaa soo gaadhay dhaawac laba qof ah, hal askarina wuu ka geeriyooday. Dhinaca kale haddii aan idiin sheego ; Gaadhi weyn oo kuwa xamuulka ah waa laga qabsaday, gaadhi xaajiyad ah waa laga qabsaday, waxaa kale oo la qabtay maxaabiis lix illaa toban inta u dhaxaysa oo ay kamid yihiin xildhibaano reer puntland ah.

 

Gabagabadii; waxaa tallo iga ah , maanta cid ma duraayo oo dagaal ayaynu cadowgeen kula jirnaa balse dhacdadan aan ka hadlayaa waa mid xataa cadowgeena inoo jabin karta oo foolxumo ku ah qaranimadeena in uu lumo Protocol kii dawladnimo. Ceebna way inagu tahay in masuul kastaa markay wax dhacaan in uu makarafoonka qabsaddo.

 

Madaxweynaha waxaan leeyahay sharafta iyo karaamada qaranka adaa laguu dhiibey , adiga ayaana lagaala xisaabtamayaa . shacabka Somaliland isha ayay ku hayaan oo ma moogana wixii dalka iyo qaranka dhaawac ku ah , waxaa lagaaga fadhiyaa inaad isbedel ka keento dhacdooyinkan sidan oo kale ah ee soo noqnoqadka leh.

 

 

Wabilaahi tawfiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa,Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here