Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Weerarada Ridada Gaaban Halaga Waantoobo!!!.

0
866
Mawliid Ahmed Jibriil

hadalku waa Talo, Taageero iyo Tudhale) Intaa ka dib, hadaan u soo dhadhaco sobobta igu galifday in aan qalinka qaato, mar mar waxan arkaa shaqsiyaad wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga sland wax ka sheega oo waxa ay sheegayaan u muuqdo waxan xajiimayn dhaafsanayn ayay soo qoraan oo toosin, tusmo iyo talo midna u muuqan.

 

Hadaba wasiirku waa wasiir firfircoon oo dhalinyaro ah, Aqoon yahan ah, waa wasiirka ogu nasiibka badan wasiiradii wasaarada soo maray, waa,ayo waqtigan uu wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga yahay soomaaliland waxa ka Hirgalay heshiiskii ogu waynaa ee sland la gasho shirkad dal kale ka socota oo ah shirkada DP WARLD oo Heshiis dekada barbara la gashay, kana socota dalka imaraadka carabta.

 

Wasiirku waxa kale oo ku guulaysday in Dalka Jarmalka lagu soo bandhigo Carwo lagaga hadlayo Arinta soomaaliland oo kaliya, Arintana hore umay dhicin  ee waa guul wasiirku soo hooyay oo lagu xusuusan doono.

 

Sida darteed, had iyo jeer inta wax ka sheegta waxa u badan inta ogu dhaw oo aan filayo in ayna rabin xilka wasiirnimo waa,ayo Hankiisa malaha, laakiin waxay Raban wax an waynayn oo lagu yaqaan.!!!!

 

Intaa ka sakaw, saxiibaday waxan leeyahay wasiirku waa wasiir soomaalilandna waana wasiir ka adag shaqadiisa oo aqoonteeda leh kartdeeda leh ee kadaaya hadalada waxba soo kordhin karin ee xagxagashada u badan.

 

Wasiirka xilka ilaahay baa u qoray inta uu joogo waxa haboon in lala shaqeeyo ama laga aamuso.

 

Isku soo wada duuboo, Raga ku caan baxay waxan jirin in ay wasiirka la daba joogaan, waxan leeyahay, waxad sheegayso ee aad ku calcalisaa wax umada wax tara ha noqdo, hadii kale umada lafteeda ayaa fahansan oo dareensan waxan kugu wadhay waxa uu daaran yahay ee ka wantaw.

 

Wasiirkana waxba kuma yeelaysid ee wax baa ogu kordha maadaama dadku ay kugu barteen , shaqsi ka habawsan milgaha qalinka iyo qiimaha qoraalka .

Hadad wax qorayso tali, ama taageer ama Toosin ama ka aamus ha lagu tuhmee.

 

ALaa mahad leh.

Mawliid axmed jibriil

Xaqsheeg@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here