Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Mohamed Ibrahim Qabo Masuul Ku Dayasho Mudan ! Qallinkii: Hussein-lucky M. Mohamoud

0
892

Taariikhdu Waa Garsooraha dhacdooyinkii dunida soo maray, iyo Cid waliba doorkii ay ku lahayd Samaan iyo Xumaanba. Wanaaga taariikheed ee ay cidi kasbataana ma ahan wax hadyad laysku siiyo, ee waa wax ku yimaada u badheedhida maalmo aad qadhaadh, iyo habeeno kurbo badan dhexdooda.

 

Dhab ahaantii, Abaarta Maanta ka taagan Gobolada Barrie ee Somaliland,  waxaa taariikhdu baalkeeda madow ku xaradhay masuuliyiin badan oo Xukuumadda Somaliland ka mid ah, oo ugu horeeyo Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mr. Saylici oo baaburta raaxada ee Qiimaha badan, iyo raxan ciidamo ilaalo ah ku dhex gooshay Magaalaooyinka Burco iyo Oodweyne, xili ay dadkii deegaanadaas ku noolaa iyo duunyadoodiiba ay abaar daran la silcayaan, isagoo, xataa diiday inuu dadkaasi waxa ay qabaan indhaha kazoo qaado.

 

Nasiib darro, mar arintaas wax laga weydiiyay isagoo Burco ku sugan, ayaa wuxuu ku jawaabay ereyadan:- Anigu halkan uma inaan Abaaraha ka hadlo, ee waxaan u imi inaan Mashaariic GPLG ah xadhiga ka jaro, isagoo isla markiibana Hargeisa ku laabtay, runtii, waa Masuul aan weli garan xilka uu hayo culayskiisa iyo cidda uu masuul ka yahay kuwa ay yihiin.

 

Sidoo kale, waxaa taariikhda baalkeeda dahabiga galay, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Togdheer oo si masuuliyad iyo madaxtimnimo ku jirto u dhex tegay dadkii tabaalaysnaa oo gacantiisa wax ku siinayay caruurtii baahnayd, isagoo la qaybsanayay dhibaatadii haysatay, waana taas masuuliyadda runta ah iyo madaxtinimada waafiga ahi. Mr. Qabo waa Halyeey garanaya xilka uu hayo culayskiisa iyo in cidda uu xilkaas u hayaa ay tahay kuwan taabalaysan ee awooda kursigiisa hoos taga.

 

Gunaanadkii, waxaan halkan ka bogaadinayaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Togdheer, Mudane, Maxamed Ibrahim Qabo,oo ah halyeey istaahila in bilad dahab ah la siiyo, haddii ay jiri lahayd dawlad waxqabad iyo wadaniyad wax ku qiimanaysaana, dhabtii wuxuu yeelan lahaa bilad iyo dalaacad labadaba, basle, maanta, taas ma hayno, oo ninba ninka uu ka liito ayaa dalacaada qaata, waxaanan Shakhsiyan ka werwer-qabaa in waxqabadkaas wanaagsan ee Mr. Qabo la yimi lagaga qaado xilka, waayo, nidaamka maanta jira ayaa ah mid guraca u shaqeeya.

 

Si kastaba ha ahaatee, Mudane, Gudoomiye, dadkaaga iyo Ilaahayba waa kuu ogyihiin sidii aad u gudatay waajibkii ka saaraa u hiilinta dadkaaga baahan, Mr. saylicina, waxaan leeyahay, ka baro Gudoomiyaha Gobolka Togdheer, Mr. Mohamed Ibrahim Qabo.dhaqanka suuban ee madaxtinimada wanaagsan leedahay .

 

Wa Bilaahi Towfiiq.

Hussein-lucky M. Mohamoud,

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here