Cugashada Guracan & Sooyaalkii Seed: Qaybtii 7 Aad. W/Q: Jamal A. Muse

0
990

“Gorfaynta Taxanaha Duug-reebka Tagtada. Cugashada Gurracan. Saameynta Seed iyo Suyuca Siyaasadda Xisbiga Waddani”

 

Hoggaaminta Cirro Waa Han iyo Hagardaamo is huwan:

Inaga oo wali ku guddo-jira lafo-gurka qormo dhigaalkii cugashada gurracan ee hurdada iyo kob ku negaanshiyaha u diiday hanaanka siyaasadda  xisbiga Waddani oo sii wadna Gorfaynta hiigsiga hoos u foorara ee Guddoomiye Cirro iyo dhaqan siyaasadeedka midabada badan la soo baxday hada. Bal maantana aan diirada  ku qotomino qodob kale oo ka  hadlaya siyaasadda labo is huwanta ah ee hawraarta taban ku hadhaysay hoggaaminta siyaaasadda Guddoomiye Cirro.

 

Marka hore, si aynu iskula jaanqaadno aan idhaahdo Guddoomiye Cirro waa siyaasi han iyo damac wayni ka hayo hanashada  hoggaanka dalka. Waa hoggaamiye la soo tijaabiyay oo muddo 12 sanno ku dhaw dalka ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo dastuurka qaranku siiyay hab maamuuska darajada sadexaad ee madaxda qaranka. Waana laguu yaqaan waxqabadkiisa iyo hanaanka hoggaamintiisa dawladnimo, isaga “Cirro” iyo shacabkana war iskuma seegana. Aniguna waxaan si waafiya ugu falanqeyn doona qormooyin soo socda.

 

Mar labaad an idhaahdo Guddoomiye Cirro waa hoggaamiye hankiisa ku hanfiyay hagardaamo siyaasadeed oo kolba cidda la handaafisa hadafka siyaasadda xisbiga iyo gaadhida talada dalka jalaafo midabbo badan ku hanfiya. Waa hoggaamiye dhegtiisu kaliya ay kalsooni ku qabto dhageysiga tibaaxda siyaasadda ay jaangooyaan musdandeedka iyo kolba inta xisbiga ku cusub. Sida ka muuqata hanaanka dhismaha iyo habka loo haggo xisbiga waddani, waa hoggaamiye jecel maqalka jabaqda jiibta & jaanta  ciyaarta jaandheerta ee wiilasha idman iyo jilayaasha ku caan baxay fulinta  siyaasadda gurracani ku jilayaan kanbalka dugsiga, kaasi oo hadana u diyaar ah hanashada hoggaanka qaranka. Taasi ayaa ah hagardaamada ugu wayn ee ku duugan siyaasadiisa halacsiga ah.

 

Hadaba, waxaa muhiim ah in an caddeymo ku filan u helo sheegmada sare ku xusan ee  ah hagardaamo & habow siyaasadeed isku xidhan oo Guddoomiye Cirro hadda cugashada caashaqa iyo calmashada isku raaciyay. Oo an soo qaato dhawr tusaale oo kala ah:

 

  1. Hadhaagii xisbigii UDUB:

Muddo ka dib ku dhawaaqidii ururnimo ee xisbiga Waddani  ku beegnaan sanadkii 2012-kii, waxa ururka/xisbiga ku soo biiray xubno ka mid ahaa kuwii ragaadiyay xisbigii awoodda badnaa ee UDUB.

 

Waxaana ka mid ahaa Ali Mohamed Warancade oo markii danbe ka baxay Ururka/xisbiga Waddani, kuna biiray xukuumada KulmiyeAhmed Xaaji Daahir Cilmi oo  dhawaan ka huleelay xisbiga Cirro horbooddaha ka yahay oo si rasmiya ugu biiray xisbiga Kulmiye ayaa isaguna ka mid ahaa xubnihii xiligaa ku biiray Waddani ee UDUB-tii burburtay ka soo digo rogtay.

 

Balse, xubin ka mid ah shaqsiyaadka ugu miisaanka wayn dhaqaajinta siyaasadda casabada ah ee lagu haggo xisbiga Waddani, ayaa ka tirsanaa hadhaagii xisbigii UDUB ee markii danbe ku soo biyo-shubtay  ururka/xisbiga Waddani, waana Siciid Sulub Mohamed oo ka mid ahaan jiray  wasiiradii ugu tunka waynaa dawladdii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin. Oo runtii ahaa nin aad loogu tiriyo musuq iyo lunsi hanti dadwayne ayaa aad loogu soo dhaweeyay xisbiga curdinka ah ee waddani. Isaga oo noqday mid ka awood  badan xubnihii xisbiga aasaasay ee dhiidhida siyaasadeed ka soo saaray, ugana soo horreeyay.

 

  1. Xil-waayeyaashii Xukuumadda Xisbiga Kulmiye:

Koox wayday xilkii ay ka hayeen xukuumada Madaxwayne Ahmed Mohamed Mohamoud Silaanyo, ka dibna u digo rogtay dhanka xisbiga Waddani, ayaa waxa ka mid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha guddaha Mohamed Nour Araale “Duur”, kaasi oo ay hayb-waddaag hoose yihiin guddoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Cirro.

 

Dhanka kale xubnaha xil-waayeyaasha ah ee xiligaa ku biiray xisbiga Waddani, waxa ka mid ahaa wasiirkii hore wasaaradda warfaahinta qaraka Mudane Boobe Yuusuf Ducaale, Ali Cilmi Geele oo dhawr jeer wasiir ka noqday xukuumado kala duwan oo ay ka mid tahay tan xisbiga Kulmiye iyo wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Dr: Xuseen Xoog.

 

Sidoo kale, markii Kooxdani ku biirtay xisbiga waddani , si wayn ayaa loogu qaabilay kanbalka xisbiga oo xilal ayaa lagu taxay, taasi oo indhaha foggaan aragga fayoobi  u qaatay in ayna xisbiga cid hore oo miisaan lihi ku sii jirin.

 

Hadaba, ka dib markii uu xisbiga waddani ku biiray Ex-wasiir Araale Duur ayuu xisbigu ka baydhay dhabihii xisbinimo qaran oo uu qaaday hilin reernimo, ayna majaraha u qabteen musdanbeedka reeraysan iyo wiilasha idmani. Waayo Ex-wasiir Mohamed Caraale Duur , Ex-wasiir Sicid Sulub Mohamed iyo xubno kale oo haybta ah ayaa wadda unkay in xisbiga Waddani yeesho musdanbeed reeraysan. Kuwani waxay meesha ka saareen masuuliyiintii xisbiga uga horreeyay iyo cid-kasta oo an guddoomiyaha hayb la waddaagin, iyaga oo adeegsaday awooda shaadhka guddoomiyaha xata haddii ayna ka tirsanayn xubnaha wasiiradda qarsoon, golaha dhexe iyo gudiga fulinta ee xisbiga. Sidaasi ayayna ku noqdeen kuwo ka fadli badan, dadkii ay xisbiga ugu tageen.

 

La soco qaybo kale oo muhiim ah hadii allaah idmo.

By: Jamal A. Muse                                                                                                                                     
dankaabo@hotmail.co.uk/ jamalabdiya@gmail.com /hirdandheer@gmail.com
Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here