Gudida Diiwaagalinta Ururada Siyaasada Oo La Filayo Inay Maanta U Fadhiistan Dhagaysiga Dacwadda Khilaafka Xisbiga UCID Ee Losoo Gudbiyay

0
887

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudida diiwaangalinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka Somaliland ayaa la filayaa inay maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 12,6-2016 ay fadhi ka yeeshaan dacwad loosoo gudbiyay oo ka dhaxaysa gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo musharaxa madaxwayne ee xisbiga Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxaya labada dhinac oo khilafku ka dhex aloosan yahay balse ilo wareedyo kala duwan ayaa wargeysa Jamhuuriya u xaqiijiyay in gudidu ay maanta fadhi buuxa ka yeelanayaan arinka khilaafka xisbiga UCID.

Gudida diiwanglainta ururada siyaasada ayaa mudeeyey dhagaysiga dacwada isla markaana go’aan kasoo saaraan khilaafka labada dhinac ee xisbiga UCID oo ay kala hogaaminayaan gudoomiye Faysal iyo musharax Jamaal.

Sida wararku tibaaxeen fadhiga dhagaysiga dacwada ayaa waxa ka qayb gali doona xubnaha gudida diiwaangalinta, dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyo,iyo qareenada u kala doodaya masuuliyiintan.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan xisbiga oo fariin uu ku baahiyay bar kamida baraha ay bulshadu ku kulanto waxa uu ku sheegay inu fadhiga dhagaysigu uu noqon doono mid furan oo loogu tala galay inay ka qayb galaan xubno ka socda axsaabta qaranka,baarlamaanka,sharciyaqaano,aqoonyahano,ururada bulshada rayidka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Fadhigan lagu dhagaysanayo dacwada xisbiga UCID ayaa waxa qorshuhu yahay inuu ka furmo xarunta gudida diiwaangalinta ee magaalada hargeysa, iyada oo bulshada reer somalilnd u dhagtaagayso go’aanka kama danbaysta ah ee kasoo baxa xalinta khilaafkani u dhaxeeya masuuliyiinta.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here