Guddoomiyayaasha Cirro iyo Muuse Biixi Oo Ehelka iyo Shacbiga Somaliland Ka Tacsiyeeyay Geerida Sheekh Sooraan

0
975

Hargeysa, (HargeisaPress) — Alle ha u naxariistee Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan, ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa kadib markii uu muddo xanuunsanaa.

Marxuum Sooraan, ayaa muddooyinkii u dambeeyay Mu’addin ka ahaa Masjid ku yaala Magalaada Hargeysa, waxaanu hore kaalin laxaad leh uga soo qayb qaatay fanka Soomaalida.

Guddoomiyaha golaha wakiillada iyo xisbiga waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi u diray ehelka iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay sheekhu ”Illaahay ha u naxariisto Marxuum Sh. Cabdilaahi Diiriye Sooraan, dembigiisana ha dhaafo, Janadii Firdowsana ha ugu deeqo.

Ehelkiisii, Qaraabadiisii, asxaabtiisii & dhamaan shacabka Somalilandna Samir iyo iimaan,” ayuu yidhi Mudane Cirro.

Sidoo kalena hogaamiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsiyeeyay ehelka Marxuumka iyo shacbiga Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa  Cabdilllaahi Diiriye Sooraan  qoyskii reer Diiriye Sooraan,Qaraabadii, eheladii, asxaabtii, bahwaynta fanka iyo qarankan Somaliland ee  uu ka baxay  Marxuum:  CABDILLAAHI DIIRIYE SOOARAAN   oo ku geeriyooday xalay magaalada hargaysa .Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo  Eheladii ,asxaabtii iyo qaraabadiiba  Samir iyo Iimaan ka siiyo.”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here