Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ammaantay ciidamada AMISOM ee Somalia

0
1037

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini-Zuma oo maanta ka hadlaysay shir hordhaca ah ee ururka Midowga Afrika ayaa ammaan u jeediyay ciidamada AMSIOM ee ka howlgalaya Soomaaliya iyo kuwa kale ee dalalka Afrika ka howlgalaya.

Dlamini-Zuma ayaa sheegtay in ciidamada Midowga Afrika ee la dagaalmaya Al-shabaab, LRA iyo Jabhadaha Jamhuuriyadda Afrikada dhexe loo dhiso taallo lagu xusuusto, iyadoo sheegtay in ururku ka fikirayo in ciidammo kale oo nabad ilaalin ah ay u diraan Nigeria oo ay dagaallo ba’an kawaddo kooxda Boko Haram.

“Waa inaan u hambalyeyno ciidamada nabad ilaalinta ah ee ku sugan dalal Qaaradd Afrika ka tirsan, gaar ahaa kuwa AMISOM ee la dagaalamaya Al-shabaab iyo kuwa kale ee la dagaalamaya LRA iyo Jabhadaha Bartamaha Afrika,” ayay tiri Zuma oo intaas ku dartay inay mudan yihiin askartii lagu dilay dagaalladaas in loo dhiso tallo lagu xusuusto.

Sidoo kale, Zuma ayaa xustay in ciidamada Afrikaanka ah ee howlgallada ka wada dalalka Somalia, Uganda iyo Bartamaha Afrika ay yihiin kuwo mudan in la ammaano, isla markaana ay mudan yihiin inay taageero u fidiyaan si ay howlahooda u sii laba-jibaaraan.

“Waxaa muhiim ah inaan xushmad u muujino ciidamadeena isugu jira ragga iyo dumar ee la tacaalaya Al-shabaaab, LRA iyo jabahadaha dalka Afrikada dhexe. Waxaana qabaa in taallo loo dhiso ciidamadii dagaalladaas naftooda ku waayay,” ayay hadalkeeda ku dartay.

Dhanka kale, guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa cambaareysay weerrarada ay kooxda Boko Haram ka geysanayso dalka Nigeria, iyadoo ku talisay in si wadajir ah looga hortago falalka ay kooxdan ka geysanayso Nigeria iyo dalalka dariska la ah.

“Anigu waxaan aad uga murugeysanayay dhibaada ay kooxda Boko Haram ka geysanayso Nigeria, kuwaasoo isugu jira dilalka, afduubka gabdhaha yar-yar iyo gubidda guryaha, kuwaasoo ah kuwo aan la aqbali karin inay sii socdaan. Dhibaatooyinka kooxdan waa kuwo dalalka ku dhow Nigeria kusii baahaya waana inaan ka hortagnaa innagoo wadajirna haddiise la xakameyn waayo waxay noqon doontaa inay innaga oo dhan na saameeyaan,” ayay ku tiri Nkosazana Dlamini-Zuma hadalkeeda.

Kulanka maanta furmay ayaa wuxuu hordhac u yahay shir madaxeedka Midowga Afrika oo magaalada Addis Ababa ka dhici doona 30-ka iyo 31-ka bishan Jannaayo, kaasoo lagu saari doono diiradda dhibaatooyinka ka taagan dalalka ka tirsan Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidammo shan dal oo Afrikaan ah ka socda, kuwaasoo ay ku jiraan dalalka Somalia dariska la ah sida Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya.

 

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here