Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Bogaadisay Qodobada Shirkii Beelaha Awdal Ka Soo Baxay,Kana Hadashay Tabashada Awdal

0
899

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Bogaadisay Warmurtiyeedka ka soo baxay Shirkii Bulshada Reer Awdal uga qabsoomay Degmada Gob oo shalay galabtii la soo gabogabeeyay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdillaahi Cukuse oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay Xukumad ahaan ku bogaadinayaan Qodobada shirkaasi ka soo baxay islamarkaana Madaxweynuhu ku maqan yahay Xal u helista Arrinta Awdal.

Shir Shirweynaha Bulshada Awdal Waxaa ka soo baxay 10 qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin ilaalinta Wadajirka Bulshada Awdal,ilaalinta Qaranimada Somaliland,ilaalinta amaanka iyo Horumarka Bulshada Awdal. Waxa sidoo kale shirka si buuxda loogu taageeray islamarkaana Xukumadda waxka qabashadeeda looga fadhiyaa Tabashadii Balaadhnayd ee Hogaanka dhaqanka Awdal u gudbiyay Madaxweyne Siilaanyo.

“Waxaanu Magaca Dawladda Hambalyo ku gaadhsiinaynaa Shirka Ka Socda Degaanka Gob ee Gobolka Awdal, shirkaas oo Ergadiisu ka koobnayd 700 oo Ergay,kuwaasi oo ka kooban Mutacalimiintii,Cuqaashii,Sallaadiintii,Ugaasyadii,Culimadii,waxgaradkii kale, waxaanu ku hambalyaynaynaa dariiqa wanaagsan ee Illaahay waafajiyay” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiir Cukuse waxa uu sheegay inuu u mahadcelinayo Ugaaska Guud ee Bulshada Reer Awdal Ugaas Cabdirashiid iyo guud ahaan Hogaanka dhaqanka ee degaankaasi,Ganacsatada,Culimada iyo aqoonyahan ka kale ee Shirkaasi ka qayb qaatay islamarkaana ka soo saaray arrimaha Bulshada u danta ah.

Dhinaca kale Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in Madaxweynuhu diyaar u yahay wax ka qabashada Tabashada Reer Awdal “Madaxweynuhu,wuxuu diyaar u yahay inuu xal u helo,dhamaantoodna xal u helo,oo haddaba siday suuro gal u tahay dhamaan hadday noqoto iyo hadday qayb ahaan noqotaba inuu xal ku fardaamiyo ayuu ku maqan yahay laakiin,Mushkiladda intaas leeg maaha wax saacaddo lagu saxo,wax dibnaha saaran oo degdeg loo odhanayana maaha waa wax u baahan Godkaas hore ee ay ku dhacday in laga qodo,waa wax u baahan in la kabo oo la daweeyo oo la dhayo.Madaxweynuhu waa u diyaar inuu xal u helo waanu ku muqan yahay”

 

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here