Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Laga Cabsi Qabo Inay Dawladu U Gacan Geliso Dawladda Denmark

0
978

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Xukuumadda  Somaliland ayaa Mudo imika laga joogo sideed billood xabsiga u taxaabtay muwaadin magaciisu yahay Cumar Xasan Sheekh Muuse, waxaanay qoyska muwaadinkani aad uga walaacsanyihiin in loo gacan geliyo dal shisheeye.Muwaadinkan ayaa ka soo jeeda magaalada Hargeysa.

Muwaadinkan oo ah nin dhallinyaro ah waxa warar soo baxay ay sheegayaan in ay xadhigiisa dalbatay dawladda Denmark oo la sheegayo inay ku doodayso in muwaadinkani dhalashadeeda haysto. Waxaanay qoyska muwaadinkani aad uga war-warayaan in wiilkooda oo ah muwaadin Somaliland ah loo gacan geliyo dawladaas Denmark.  Waxaanay xukuumadda Somaliland ka dalbanayaan inay aad uga taxadirto arrintaas.

Cumar Xasan Sheekh Muuse ayaa mudo sideed bilood ah bila maxkamad ugu xidhan jeelka weyn ee Hargeisa, qoyska muwaadinkan oo HargeisaPress.com la soo xidhiidhay iyaga oo Wasaarada Cadaalada ku eedeyay xadhigaa wiilkooda bila maxkamada ah.
Qoyska muwaadinkan ayaa dalbanaya in wiilkooda xorriyadiisa loo soo celiyo mar haddii aanu jirin dambi uu galay oo ay dawladda Somaliland u haysato.

Hayu’adaha ammaanka oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin, laakiin hadal qaadka arrintani waa markii u horaysay ee lagu maqlo dawladihii kala dambeeyay ee Somaliland.

Inkastoo aan weli la hubin in muwaadinkan loo dhiibi doono dalkaas shisheeye, haddana haddii ay dhacdo waxay noqon doontaa dawladii u horaysay ee talaabadan ku fulisa muwaadiniinteeda.

Ma jiro heshiis iskaashi oo ka dhexeeya dawladda Denmark iyo Dawladda Somaliland, waxaanay dad badani isweydiinayaan sida ay xukuumadda Somaliland ugu dhiiran karto inay muwaadinkaas u gacan geliso dal shisheeye. Qoyska muwaadinkani waxa ay tilmaamayaan in haddiiba uu jiro dambi uu muwaadikani soo galay oo ay Denmark ay cadaymihiisa hayso ay tahay in lagu maxkamadeeyo wadankiisa oo aan loo gacan gelin dal shisheeye.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here