Guddoomiyaha Madasha Oo Xaqiijiyay Inay Dacwad Ka Gudbiyeen Masuuliyiin Xukumadda Siilaanyo Ka Tirsan iyo Guddoomiyaha Guurtida

0
809

Hargeysa, (HargeisaPress) — Guddoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland, Xasan Guure Jaamac, ayaa xaqiijiyay inay dacwad Ingiriiska uga gudbiyeen masuuliyiin xukumadda Siilaanyo ka tirsan oo ay ku eedeeyeen lunsi hanta qaran.

Siciid Axmed Qulumbe iyo Muxuyadiin Good, madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka Somaliland, oo 2-dii bishan shir jaraa’id ku qabtay Magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa sheegay inay wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska dacwad uga gudbiyeen masuuliyiin xukumadda Siilaanyo ka tirsan iyo Guddoomiyaha guurtida, kuwaasi oo haysta dhalashada Ingiriiska iyo waddamo kale oo Yurub ah. Xubnahan ayaa madaxda ay dacwada ka gudbiyeen ku eedaynaya inay dalka qas ka wadaan.

Xasan Guure Jaamac oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa isna arrintaasi xaqiijiyay “ Siciid Axmed Qulumbe, waa xubin ka tirsan Madasha oo aasaaseyaashii buu ka mid yahay, hawshaas uu qabtayna anagaa u dirnay oo madasha ayuu ku metelaa” ayuu yidhi Xasan Guure.

Mujaahid Xasan Guure waxa uu sheegay inaanay dalka ashkatayn balse shakhsiyaad ay dacweeyeen “Anagu dalka maanan ashkatayn ee ashkhaas baanu ashkataynay. Ashkhaas aanu qabno inay hantidii umadda lunsadeen ayaanu ashkataynay. Africa waxaa looga bartay in Wasiiro lacag xadaan oo baanan Yurub ah dhigtaan, markaa Ingiriiska waxaanu ku nidhi lacagtaas nalaga soo xaday idinkay raadkeedu idiin soo galayaa waxaana qaadanaysa qolo idinka idinka mid ahe noo qabta” ayuu yidhi Xasan Guure.

Siciid Axmed Qulumbe, ayaa shirkiisa jaraa’id ee London wuxuu ku sharaxay dadka la dacweeyay iyo lacagaha lagu tuhunsan yahay  waxaanu yidhi “Waxaanu haynnaa xogta lacagoyow badan oo la soo dhacay oo halkan England, London, Berminham iyo Dubay ba guryo lagaga iibsaday, kuwaasna  kiisaskooda waanu haynaa oo waanu u gudbinay Ingiriiska. Muhiimada ugu weyni waxa weeye sidii nimankaas labada jinsiyadood leh ee Baasboorka Ingiriiska haysta ee Guddoomiyaha guurtida oo ah ninka guurtida haysta ee waddanka qasayaa ka mid yahay, oo uu ka mid yahay Xirsi oo u dambeeyay oo qaatay Basaboorka, oo uu ka mid yahay Wasiirka Duulista, oo Baashe Cawil(Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Sodogga u yahay) ka mid yahay oo Marwada Madaxweynuhu ka mid tahay, inay waddanka Somaliland dad noocaas ah oo laba jinsiyadood haystaa ka wadaan qas ayaanu kala hadalay”

Xubnahan metelayay madasha wadatashiga ayaa sheegay in Dacwadda ay u gudbiyeen Wasaaradda khaarajiga ee Ingiriiska iyo saaxiibada Somaliland doorashada ka taageera laga aqbalay loona balan qaaday inay gali doonaan hawsha kiiskaasi.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here